Hargeysa (Hubaal) Mujaahid Nuur Mu-hindis Guud-cade oo kamid ahaa mujaahidiintii dhaliyey jiritaanka qaranimada dalkan Somaliland ee naftooda iyo maalkoodaba u huray ee nabadgelyadan iyo xasiilinadan ay shacabka reer Somaliland maanta ku naaloonayso keenay.
Mujaahid Nuur Muhindis oo tan iyo intii madaxbanaanida Somaliland ay dib ula soo noqotay ku sugnan magaaladda Hargeysa ayaa ku dhawaaqay hankiisa musharaxnimo ee doorashada golaha wakiilada ee fooda inagu soo haysa inuu u taagan yahay islamarkaana uu daaha ka qaaday inuu u tartamayo jagada golaha baarlamanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka soo socda ee 2015-ka.
Hadaba Nuur Muhindis ayaa noqonaya musharaxii kowaad ee kamid ah mujaahidiinta ururka SNM ee shaaciya hankiisa musharaxnimo,waxaana uu bulshada ku dhaqan Somaliland u diray farriin uu ugu soo bandhigayo waxa uu u qaban karo dalkan iyo dadkiisa,oo sheegay in uu doonayo inuu wax u qabto dalka uu inta badan naftiisa u soo huray islamarkaana la taagan yahay xiligii uu dalkan iyo dadkiisaba wax ugu tari lahaa inta uu ku kordhin karo.
Si kastaba ha ahaatee mujaahid Nuur Muhindis ayaan inta badan lagu arag xaga siyaasada iyo inuu xilal u doonto xukuumadihii talada dalka soo qabtay,waxaana lagu sifeeyaa dadka tirade yar ee daacadnimo iyo lexejeclaba u qaba dalkan ee lagu halayn karo inay horumar iyo inta ka dhimanba gaadhsiin karaan.