Hargeysa(Hubaal)- Madaxweyne xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa Mucaaradka ugu baaqay inay bulshada ku hogaamiyaan wadatashi lagaga arrinsado Muddo kordhinta Xukumadda iyo arrimaha kale ee Xukumaddu ka gaabisay.
Mujaahid Xasan Ciise, oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhinta Guurtida oo uu ku tilmaamay mid aan looga fadhiyin Mudaneyaasha guurtida “Waxaynu galay wakhti cidhiidhi ah oo Sharcigii wakhtigoo loo doortay Xukumaddan ay ka hadhsan tahay bil iyo laba todobaad. Waxay ahayd in Xukumaddu umadda u dhigto nidaam ay kala tashatay Xisbiyada iyo waxgaradka umadda oo la isla eegay oo lagu kalsoon yahay oo umaddu ku qanacsan tahay. Halkaas waxaa ka muuqanaysa in Xukumaddu hawsheeda gabtay. Marka Xukumaddu hawsheeda gabto waddanku wuu inaga dhexeeyaaye waa in inteena kale wax is waydiinaa waana in Xisbiyada Mucaaradka ah ee Sharciga ahi arrintaas hormood ka noqdaan,” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.
Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Guurtidu waxay kordhisay wakhti aan laga filayn oo aan looga fadhiyin oo dad badan oo inaga mid ahi xisaabtaba aanay ku darsan.haddii korodhsiimo lama huraan noqoto waxaa la filayay in wakhtigii Komishanka doorashooyinku cayimay lagu saleeyo. Waxay kordhiyeen wakhti laban laab ku dhaw intii Komishanku cayimay oo aan wax sabab ah oo Dastuuri ah oo ay cayimeen oo ay dadka u sheegeena ma jiro, markaas arrintaasi arrin argagax dad badan ku abuurtay bay noqotay, arrin aan loo baahnayn ayay ahayd.
Waxaanu markaa soo jeedinaynaa in Xisbiyada Mucaaradku gogol umadda u fidiyaan anaguna aanu ku taageerno, oo lagu wada tashado oo waxyaabo badan oo aasaasi ah oo Xukumaddani gabtay la is waydiiyo” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.
Mudane Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in doorashadii 2012-ka ee goleyaasha degaanku Somaliland galisay khatar isna walaac badan ku abuurtay. Waxa uu sheegay in Xukumadda ku fashilantay doorasho degaan aan lagu aamini Karin Doorashada wakiilada iyo Madaxtooyada, waxaanu ku baaqay in arrintaasi talo laga yeesho.