Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka Hadlay Xaaladda uu Haatan Dalku jiro, waxana uu tilmaamay wax badani aanay sidii loogu talogalay aanay u soconin.
Mujaahidka oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in cabadhin badan iyo cagojuglayn badani dalka jirto, taasina ay keentay in cabashooyin badani dalka kasoo baxaan oo deegaanno si gaar ah u cawdaan, “Galbeedka Cabashooyin Badan baa ka jira, tix gelin la’aan badan bay dadku tirsanayaan, waakuwii Salaadiinta Beesha samaroon ay madaxweynaha la kulmeen, Guddi Baan sameeyey buu yidhi ilaa haddana waxba kama ay soo bixin.” Ayuu yidhi Xasan Guure.
Mujaahidka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xukuumadda Maanta talada Haysaa u muuqato mid miciinsatay Xadhig iyo cagojuglayn badan oo ay shacabka ku hayso, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Waxad MooddaaDawladuhu markii ay asqoobi jireen inaynu gaadhnay, dawladuhuna markay asqoobaan markay hawshii ay qabanayeen la waayo waxay Hawl ka dhigtaan xadhig, hebel baa halkaas maray iyo maxaa Halkaas loogu ururay, waxana muuqata Baqe badan iyo in qaababkii aynu dhisanay inay isla fadhiisteen oo aan siyaasaddii dalku geesna u wada soconin.”
Xasan Guure Jaamac waxa uu meesha ka saaray in madasha uu Guddoomiyaha u yahay ay ku biiri doonaan Axsaabta Mucaaridka ah ee Dalka ka jirta, waxana uu sheegay inay dhammaanba xisbiyada jira dhex u yihiin oo aanay cidna taageersanayn.
Mujaahidku waxa uu tilmaamay in Gebi ahaanba waddanku u baahan yahay in Nidaamkiisa Guud la beddelo, waxana uu xusay in Madaxweyne Kaliya oo la beddelaa aanu wax micno ah soo kordhin doonin
Himilo media