Mujaahidiin iyo Odayaal Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo Uga Digay Muddo Kordhin Muran Siyaasadeed Abuurta

0
103

Hargeysa(Hubaal) – Mujaahidiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Maroodijeex gaar ahaana Hawdka Hargeysa, ayaa Gudoomiyaha golaha guurtida uga digay muddo kordhin dhaafsan wakhtiga la isla ogol yahay ee Halka Sanno ah.

mujaahidiinMujaahidiintan oo Shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta muddo kordhinta iyo guurtida oo iska dhego marisa dhawaaqa beesha Caalamka,Asxaabta Qaranka,Komishanka doorashada iyo bulshada Somaliland oo isla ogol in doorashada la qabto 1-da June 2016-ka.

Mujaahid Ooto Biixi Oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa Gudoomiyaha guurtida ku eedeeyay inuu hore ugu kacay arrimo khalkhal galin amni ah, isagoo waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay arrimaha haatan uu soo wado golaha guurtidu “Halkan Saleebaan(Gudoomiyaha guurtida)  waxa uu ka yidhi guurtidaay dhagaha furaysta, hadaba waxa aanu leenahay dhagah iyo indhahab hadaad furaysato waxa caalamka , umadda iyo xisiyaduba ku heshiiyeen Saacad kuma dari kartida ayaan leenahay anagu”, ayuu yidhi Mr Ooto Biixi.

Mujaahid Cali Cabdi Cilmi(Cali Curri), ayaa isna sheegay inay haboon tahay in Mudane Siilaanyo iyo Saleebaan Nuur  dalka aanay u hor seedin khalkhal “Xisbigan Kulmiye ee Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee ah Odaygaa wayn ee maanta 90 Jirka ah, ee aanay ka maqnayn inuu cibaadaysto mooyaane wax kale, waxaynu halkan ku soo gaadhnay  iyo Kursigaa sidii aanu ku keenay wuu garanayaa cidna u sheegi mayso. Umaddu way karaamaysay Axmed Siilaanyo intii Bashar la karaamayn lahaa, dhinacyo badan iyadoo la eegayo si fiican baa loo karaameeyay, abaalka laga sugayaana waxa weeye in umadda uu kareemeeyo” ayuu yidhi Mr Cali Curri.

Mudane Cali Curri oo hadalkiisa sii Wata waxa uu intaasi raaciyay “Dalkan Somaliland wada tashi iyo is afgarad ayuu halkaas ku soo gaadhay ileen waa dal la wada leeyahaye sheekh ibraahim sheekh madar xiliguu Gudoomiyaha guurtida ahaa waxa madaxweynaha ahaa Cigaal Alle Naxaristii Jano howgu deeqee Waa is qaban jireen oo didibso ayaa  odhan jiray laakiin maanta waxaan leeyahay lagaama filayn in aad tidhaa dhagaha furaysta intaad sadexdii habeenimo ka soo dagto beeshiina waa la karaameeyay dalka iyo daka waxa ula hadh ayaan idin leeyahay”.

Xildhibaan Cali Cismaan oo golaha degaanka Baligubadle ka tirsan ayaa isna halkaasi ka hadlay “ halkan waxa aan maanta isugu nimi oo la leeyahay Guurtidu waxa ay soo wadaa waxa aan dalka iyo  dalkuba raali ka hayin anagoo ku hadlaayna magaca Beesha Dagta Koonfurta magaalda hargeysa iyo Gobalka Hawdba Guurtida waxaanu leenahay raaca waxa daka iyo sadexda xisbi qaran iyo komishnkuba isku raceen oo yaan dalka fowdo la galin ayanu leenahay anagu taas waxa aanu u soo jeedinaynaa Golaha Guurtida sababtoo ah hadii halkaas maanta la dhaafiyo waxa soo baxaaya wax aan la filanayin Saleebaan yanuu jeebka kala soo bixin wax aan la filanayin”.

Bulshada Somaliland ayaa walwal badan ka qabta in Guurtidu Xukumadda u kordhiso muddo laba sanno ah oo keeni karta Khilaaf siyaasadeed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here