Mukhtaar Roobow Cali loona yaqaan Abuu Mansuur, ayaa lagu soo warramayaa inuu gaadhay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka ah iyo taliye ku-xigeenka NISA.
Gudoomiyaha magaalada Xudur, Maxamed Macallin, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow iyo ciidan la socda ay gaadheen magaaladaasi.
Dagaalyahanno daacad u ah Roobow iyo xoogga Al-Shabaab ayaa dhowr goor ku dagaallamay deegaanka Abal, halkaasi oo bilihii dambe uu ku sugnaa mas’uulkan ka tirsanaa ururkaasi.
Bishii Juun ayaa dowladda Maraykanka waxay Mukhtaar Roobow ka saartay liiska madaxda Al-shabaab ee ay lacagta dul dhigtay.
Mukhtaar Roobow ayaa mar ahaa hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya ururkaasi, waxaana sidoo kale uu noqday afhayeenka Al-Shabaab.
Xigasho: bbc