Mulkiilaha Iyo Masuuliyiinta Kaah Bussines Centre oo Xaruntooda Ganacsi shir jaraa’id ku qabtay + Qasdiga Shirkoodan

0
138

Hargeisa-(Hubaal)-Mulkiilaha iyo masuuliyiinta sare ee shirkada Kaah Bussines Centre oo si wadajira Shir jaraaid ugu qabtay Xaruntooda ayaa iftiimiyey inay furan tahay Meheradahooda ganacsi,adeegyadii ay dadka u qaban jireen iyo kuwo cusub oo ay soo kordhiyeena laga heli karo,waxayna ka warbixiyeen sidii shilkii dabku u dhacay ama wax u dhaceen iyo weliba xadiga khasaarihii ka dhashey  .

kaah busness center

Mulkiilaha Xarunta Ganacsi ee Kaah Cismaan oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa ugu horeyn u mahadnaqey Dawlada hoose ee Hargeysa gaar ahaan Maayarka oo gacan ka geystay deminta dabka,wuxuu kaloo u mahadnaqey cid alaale iyo cidii taakuleyn u fidisay ama kala qeyb qaadatey deminta dabkaa qarxay sida dadweynihii u soo gurmadey ee dab deminta ka qeyb qaatey.Wuxuu sidoo kale Cismaan Kaahin u mahadnaqey Booyadaha biyaha dhaamiya  iyo Qaybta Dab-demiska ee Madaarka Hargeysa iyo cidii kale ee ka qeyb qaadatey deminta dabkaasba.

Cismaan Kaahin wuxuu tilmaamay in shilku ka dhacay qeybta shidaalka, Booyad shubaysay shidaal, wuxuuna intaas ku daray in waxyaabihii sababay qaraxa dabka weli  baadhistoodu socoto, natiijadeedana la soo bandhigi doono marka baadhistu soo idlaato.

Kaah Business center1

Cismaan wuxuu sheegay in dabku ku koobnaa  qaybta shidaalka iyo Super-marketka hase yeeshee qaybihii kale aanay waxba gaadhin si caadiyana u shaqeynayaan,wuxuuna intaas ku daray in Kasaarihii meesha ka dhacay sidii loo malaynayey aanu ahayn oo aad u sahlan yahay, koobana yahay, kuna eeg yahay qeybta shidaalka iyo Baabuur halkaas ku gubatey.

Cismaan wuxuu kaloo ka hadlay in qasdiga ama ujeedada shirkooda jaraa’id daaran tahay inay kastamarkooda iyo Bulshadaba ku wargeliyaan in meharadahoodii ganacsi sida Baarka,Leebajada,Super-marketka iyo Garoonka caruurtu (Children’s play Ground) ku ciyaato furan yihiin,adeegyadii laga heli jirayna furan yihiin oo sidoodii u socdaan.

Sidoo kale Cismaan wuxuu sheegay inay wax weyn ka bedeleen, adeegyo cusubna ku soo kordhiyeen Meheradooda ama xaruntooda Ganacsi, wuxuuna sheegay inay keeneen Dab-demis,wuxuuna intaas raaciyey oo balanqaadey in adeegyada sida kaalinta shidaalka muddo aan fogeyn dib loo furi doono.

Ugu danbeyntii wuxuu Cismaan Kaahin hadalkiisa ku soo afmeeray talo uu u jeediyey xarumaha ganacsi ama noocayada ganacsiga ee shidaalku ku jiro inay aad uga digtoonadaan dabka,siina diyaarsadaan wixii suurtogal ee dabka lagula tacali karo.

Isku soo wada duuboo Waxaa kaloo shirkaa jaraa’id ka hadlay,oo hadalka iska dabamaray  maamulaha Kaah Businees Centre Faysal,Ibraahin kaahin Iyo Cali Fayr Xuseen oo dhamaantoodaba ka mid ah Bahda Kaah Bussines Centre.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here