Mulkiilaha Shirkadda WorldRimit Oo Lagu Amaanay Doorka Uu ka Qaatay Dadaalada ay Somaliland kula Tacaalayso COVID-19

0
12

“Shirkadda La Yidhaahdo WorlRimit, Ninka Mulkiilaha Ka Ah Ee Ismaaciil Axmed Halkan Waxa Uu Keenay Qalab Gaadhaya Hal Mailyan Oo Uu Dawladda Ugu Deeqay, intaa labadeedna wuxuu keenay suuqa” Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku amaanay ganacsade Ismaaciil Axmed doorka shirkadda uu mulkiilaha ka yahay ee WorldRimit ay ka qaadatay xaaladda ay Somaliland kula tacaalayso xanuunka Covid-19

Madaxweynuhu isagoo la hadlaya ganacsatada dalka sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen xaaladda haatan jirta, ayaa waxa  uu tusaale ku dayasho mudan leh u soo qaatay mulkiilaha WorldRimit ganacsatada Ismaaciil Axmed oo uu madaxweyne Biixi sheegay inuu ka soo jawaabay baaqaasi uu hore ugu diray ganacsatada reer Somaliland, isla markaana uu soo gaadhsiiyay deeq qiimaheedu dhan yahay 1 milyan oo dollar dawladda Somaliland.

“Shirkadda la yidhaahdo WorlRimit, ninka mulkiilaha ka ah ee Ismaaciil Axmed halkan waxa uu keenay qalab gaadhaya hal mailyan oo uu dawladda ugu deeqay iyo intaa labadeed oo uu keenay suuqa uu leeyahay dadka waxaan kaga iibinayaa intii aniga la iga soo siiyay si qof waliba qalabka ka-hor-tagga uu u helo.” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here