Muqdisho (Hubaal) Ardeyda Jaamacadaha Muqdisho ayaa maanta dhigey banaanbax ay uga soo horjeedaan aflagaadada qaar kamid ah joornaalada reer Galbeedku ay caadeysteen inay u geystaan Nebi Muxamed (nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee).
Dadka banaanbaxa dhigaayey ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in waxkasta gacan lagu xaliyo isla markaasna aysan u dulqaadaneyn in meel looga dhaco sharafta Nebi Muxamed (NNKH). Dhalinyarada banaanbaxa dhgayey ayaa sitey boorar ay ku qoran tahay “Je Suis Muslim” Muslim ayaan ahay, waxaana ay iska fogeeyeen Charlie ayaan ahay halkudhiggii ahaa.
Madaxbanaanida hadalka in lagu banaysto in la aflagaadeeyo muqaddasaaska Muslimiinta waa wax aan la qaadan karin, sababta wax looga sheegaayo nebi Muxamed oo loogu tilmaamayo Kartoomo raqiis ah waa in la kiciyo 1.5 Bilyan oo qof oo Muslim ah, ayuu yiri mid kamid ah dadkii mudaaharaadaayey.
Sidoo kale qof kale oo ka mid ahaa dadka banaanbaxa samaynaayey ayaa warbaahinta u sheegay in reer Galbeedku sheegaan in ay dhawraan sharafta dadka laga tirada badan yahay sida Nimanka laga roonayaasha ah oo ay ku khasbaan qofkasta oo hadal ka soo horjeeda yiraahda in uu raaligelin ka bixiyo, sidoo kale ayaan la oggoleyn dadka ka soo horjeeda Sahnuuniyadda, ama ay ku tilmaamaan Anti-Semitism, maxay tahay sababta Muqaddasaadka Muslimiinta loo beegsanayo ayuu yiri, haddii aysan dooneyn carada Muslimiinta.
Dr Maxamed Xuseen Muumin oo ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa ugu baaqey umadda Muslimintu meelkasta oo ay joogaan in banaanbax nabadeed ay ku mujiyaan carada ay ka qabaan aflagaadada joornaalada reer galbeedka oo uu u horeeyo Charlie Hebdo.
7-dii bishan aynu ku jirno ayey ahayd markii labo nin oo walaalo ah oo hubeysan ay ku dileen xarunta tifaftirka Joornaalka Charlie Hebo magaalada Paris 10 qof oo shaqaalihii Waregsykaas ka mid ah kadib markii ay u fafiyeen Sawiro ay ku sheegeen nebi Muxamed (NNKH) kuwaas oo muuqaalo xun leh, danta laga lee yahayna ay noqotey in Musliminta laga careysiiyo lana tuso in aysan jirin wax muqaddas ah. Labada nin oo weerarka qaadey ayaa iyagana labo maalmood kadib ciidamada amaanka Faransiisku ku dileen meel ka baxsan Paris.
Kadib weerarkii Paris waxaa Joornaalka Charlie Hebdo dib u daabacey maalintii Arbacada muuqaal Kartoon oo ay ku sheegayaan in uu yahay Nebi Muxamed oo ilmeynaya, taas oo dad badan ka caroodeen.
Xigasho:Horseedmedia