Anigoo guud ahaan dadkii wanaagsanaa ee magaalada Muqdisho igu soo dhoweeyay mahadinaya, abaal weynna ugu haya wanaaggii ay ii sameeyeen. Iyada oo indha-indhayntaydii iyo weydiimihii kala jaad-jaadka ahaa ee aan weydiiyay dadyowgii Muqdisho aan ku kulannay ee iskugu jiray da’aadda kala duwan aanan wakhti wanaagsan u helin inaan war-murtiyeed ka sameeyo. Halkan qodobbo kooban ayaan rabaa inaan idin kula wadaago. Kuwaas oo daaran wixii iiga baxay Muqdisho maalmihii koobnaa ee aan joogay.
- Caasimaddu waxa ay ka soo kabanaysay dhaawacyadii isla dadkeedu u geysteen iyo kuwii ciidamada shisheeye u geysteen walina waxa gidaar kasta ka muuqday xagtimihii rasaasta, hoobiyihuna wali ma soo celin saqafyadii guryaha ee uu la tagay.
- Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre gadh-wadeenka ka yihiin way ka dardar iyo shaqoba badan tahay kuwii hore wadar ahaantooda.
- Xukuumaddu da’yarta fursado shaqo oo ay ku tababaran karaan ayay siisay, si luugu diyaariyo in mustaqbalka dhow ay iyagu hoggaanka u qabtaan.
- Dadku aad bay ugu rajo-weynaayeen in ammaanku ka soo raynayo marka loo eego maalmihii tagay.
- Muqdisho dhaqanku uu hurday.
- Fankanku uu laangadhaynayay.
- Ammaanku yagleel ayuu ahaa.
- Siyaasadda aaran baa ku loolamayay.
- Arrimaha bulshadu raad-barad bay ahaayeen.
- Ciidanka Ajinabiga ah ee Muqdisho degganaa waxa ay burburinayeen akhlaaqda, dhaqanka wanaagsan iyo dadnimada ummadda. Waxa aanay faro-baas ku hayeen caarkeennii (hablihii) xilku innaga saarnaa. Dhaawaca halkaa ummada ka soo gaadhaana wuxuu noqon doonaa mid aan si sahlan looga soo kaban.
- Ciidanka Qaranka hadda ayaa dhagax-dhiggii dhismihiisa gacanta lagu hayay.
- Xashaashaqa suuqa aan ka maqlay waxa ka mid ahaa in dawladda FACEBOOK laga maamulo.
- Shacabka Itoobiyaan nacayb ayaa ka muuqatay.
- Guurku uu badnaa, furriinkuna uu badnaa, qudbe-sirina waa jiray.
- Kirada guryuhu qaali ayay ahayd.
- Khudaartu way badnayd waanay jabnayd.
- Guurku shuruudo badan ma lahayn.
- Dhallinyartu inta badan kubbadda lugta ayay hadal hayeen.
- Wax akhrisku aad buu ugu yaraa.
- Dhallinyar badan ayaa Jaamacadaha ku jirtay.
- Muqdisho lakabyo dano ah oo dhaqaale ayaa is-dul saarsaarnaa, waxa maalmihii koobnaa ee aan joogay iiga baxay in kooxda Al-Shabaab inta badan lagu raad-gato, xikmadda ugu dhow ee aan Soomaali ahaan ku soo koobi karanaa waa; WIXII XUN BA XAAWAA LEH. Hasa yeeshee, kooxo kale oo dhaqaale iyo siyaasad la xidhiiidha ayaa wixii rabaan sameeya badhtamaha caasimadda.