MUQDISHO: Wararkii U Dambeeyay Ee Qaraxii Ex-kantarool Af-gooye Iyo Tirada Dhimashada Oo 100 Sii Cagacagaynaysa

0
12

Saameynta Qaraxan Shalay Muqdisho gilgilay Iyo Kii 14-kii October Ee Sanadkii 2017 Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

Muqdisho (Hubaal) Waxaa saacad walba isa soo taraya warka ku saabsan Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay Qaraxii subaxnimadii hore ee shalay lagu bartilmaameedsaday Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay gaadheyso 100 ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka iyo Cisbitaallada la geeyay meydadka iyo dadka ku dhaawacmay Qaraxa.

Cusbitaalka Madiina oo kaliya ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.  Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta uusan Qaraxu dhicin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaaray Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka la eego saameynta Qaraxan aanu waxba ka duwaneyn kii 14-kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Baraha bulshada ay ku wada xiriiraan ayaa waxaa qabsaday tacsida iyo sawirada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxan oo ay soo dhigayaan dad ay asxaab ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan soo saarin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

Baraha bulshada ay ku wada xidhiidhaan ayaa waxaa qabsaday tacsida iyo sawirada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxan oo ay soo dhigayaan dad ay asxaab ahaayeen.

Geesta kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay, ayaa tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxaasi reer muqdisho ku waa bariisteen shalay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.

Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.

“Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here