Gudaha Ka akhri: Guddoomiye cusub, Guddoomiye kuxigeen Cusub Iyo Xoghaye Ay Doorteen Xidigaha Geesku+ Farriin Uu Xasan Saleebaan Dhuxul Ku Sagootiyey Xilkii Hoggaamineed ee Kooxda
Hargeysa (Hubaal)- Kooxda fanaanniinta xidigaha geeska oo muddooyinkii u dembeeyey khilaaf soo kala dhexgalay ayaa sababay in uu is casilo guddoomiyihoodii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax] kadib markii uu riiq dheeraaday murankaasi. Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey boggaga barkulanka xidhiidhka bulshada ee kooxdu ku leedahay Facebooka iyo sidoo kale degelka Hawraar.net oo Wargeyska HUBAAL warkan kasoo xigtay kooxda ayaa shir ay ku yeelatay xaruntooda shalay ku sheegtay in sida sharciyadoodu dhigayso ay labadii sannaba mar doortaan hoggaan cusub, shirkanina uu yimi kadib markii laba muddo xilleed oo afar sanno ah uu guddoomiye u ahaa kooxda Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul. Qoraalka lagu baahiyey Hawraar.net waxaa uu u dhignaa sidan: “Kooxada xiddigaha geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaaladda Hargaysa ayaa sida uu Sharci hoosaadka u yaalaa uu dhigayo labadii sanaba doorata maamul mudo laba sanadood ah hogaamiya kooxda, sidaa daraadeed shir ka qabsoomay xarunta kooxda xidigaha geeska ee magaaladda haragaya islamarkaana ay kasoo qeyb galeen 22 xubnood oo ka mida xubnaha kooxda xiddigaha geeska waxa halkaasi sida sharciga kooxdu dhigayo lagu doortay hogaanka kooxda xiddigaha geeska hogaamin doona mudada labada sano ee soo socota. Waxaana halkaasi gudoomiyaha kooxda xiddigaha geeska ee labada sano ee soo socda si rasmiya loogu doortay Axmed wali ibraahim Maxamuud{ furine} , oo ay cod gacan taag ah ku dorteen 21 xubnood oo shirka kasoo qeyb galay, sidaana uu xilkaasi ugu ansaxay isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda xidagaha geeska.
Halka sidoo kale gudoomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Axmed Bakaal {cirro} oo 22 xubnood cod gacan tag ahi ugu doorteen xilkaasi siagoo hore u ahaa xog hayaha kooxda xidaha geeska, waxa sidoo kale xog hayaha kooxda xidagaha geeska loogu doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi {oday} taas oo 21 xubnood ay xilkaasi ugu doorteen isagoo hore u ahaa madaxa abuubulka kooxda xidagaha geeska.
Sidaa daraadeed gudoomiyihii hore ee kooxda xidagaha geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul {laabsaalax} isagoo ku mahadsan xilka uu soo hayay muddo laba xilliyeed horumarkii iyo guulihii uu gaadhsiiyay kooxda waa mid karaamo iyo qadarin ku leh kooxda dhexdeeda.
Geesta kale guddoomiyihii hore ee xidigaha geeska Xasan Saleebaan Dhuxul oo ka hor inta aanay koxodu shirka yeelan qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay boggiisa facebooka waxaa uu ku sheegay in kadib markii uu muddo soo taagnaa khilaaf kooxda dhexdeeda ah uu goostay in uu ka dego xilka guddoomiyenimada ee waqtigan oo uu tilmaamay in uu dalka ka maqan yahay. Qoraalka guddoomiye Laabsaalaxna waxaa uu u dhignaa sidan: Kooxda xidigaha Geestku waxaa koox ku dhisan nidaam sharci ah, isla markaana leh qawaaniin ay isku maamusho. Haddaba iyada oo kooxda uu muran ka taagnaa in muddo ah, anna aan ka maqanahay dalka waxaan shacbiga ku xidhan kooxda iyo xubnaha kooxdaba u cadaynayaa in aan si rasmi ah iskaga casilay xilkii guddoomiye nimo. Maamulkii iyo xubnihii kooxda ahaa ee sida wacan iila soo shaqeeyayna waan u mahad celinayaa” ayuu yidhi Xasan Dhuxul.
Khilaaf in muddo ah kasoo dhex jiitamayay xubno kamid ah kooxda iyo guddoomiye xasan Dhuxul ayaa sababay in uu guddoommiyaha kooxdu uu xubinnimadii ka qaado isla markaana uu kooxda dibada uga saaro fanaanka Maxamed Siciid Cabdi Oo BK loo yaqaan, kaasi oo aan si rasmi ah oo shaacin sababta khilaafka utintiisu tahay, hase yeeshee fanaanka ayaa sida la wariyey ku dhawaaqay in uu keligii bandhig faneed aanay kooxda xubnaheeda kale ku wehelin ku qaban doono magaallada hargeysa, munaasibada xuska 18 MAY-da, taas oo la sheegay in hoggaanka kooxduna ka biyo diiday kuna tilmaamay dooda fanaanka mid jaban oo ka hor imanaysa qawaaniintii kooxda oo iyadu ah mid isku duuban oo ku soo caano maashay wada jirka.
1.Axmedweli Ibraahin Maxamuud
2.Sidiiq Maxamuud Gahayr
3.Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago
4.Maxamed Siciid Cabdi (Bk)
5.C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylani)
6.Maxamed Miyir Xaaji
7.Sidiiq Maxamed Burmad
8.Guddiga Agaasinka Kooxda Xiddigaha Geeska (BOD)