Hargeysa (Hubaal)-fadhigii Golaha Wakiiladda Somaliland ee shalay ayaa qaar ka tirsan xildhibaanadda muxaafidka ahi ka baxeen, isla markaana waxa soo is baxaya soo laabashada khilaafkii hore loo xaliyay ee golaha dhexdiisa.
Fadhigii shalay waxay muxaafidiintu kulan gaar ah oo ay la yeesheen Gudoomiyaha waxa la sheegay inay dalbadeen in la socod siiyo mooshin ay wateen oo nuxurkiisu ahaa in golaha la hor keeno xeerka diiwaan gelinta, lana ansixiyo, hase yeeshee Gudoomiyaha ayaa la sheegay inuu jawaab ka siiyay arrintaas, isagoo horena fadhigii sabtidii uga sheegay, in loo yeedhi doono guddiga doorashooyinka si wax looga waydiiyo xeerkaa. Hase ahaatee muxaafidiinta wax kale oo sida la sheegay ka soo yeedhay inay soo dhigayaan mooshin kale oo la xidhiidha xil ka qaadista Gudoomiyaha laftiisa, kaasoo la sheegay in Gudoomiyuhuna kaga hadal celiyay inay keenaan. Dhanka kalena Muxaafidiinta qaarkood ayaa ka dareeray fadhigii shalay oo la guda galay ka doodista xeerka ilaalinta tayadda, labada gudoomiye ku xigeena may soo dhaafin xafiisyadooda.
Sabtidii doraad ayaa Gudoomiyaha Wakiiladdu dib u dhigay ka doodista xeerka diiwaan gelinta, kadib markii siday mucaaridka goluhu sheegeen qaab leexsan lagu hor keenay mudanayaasha, taasina waxay cadho gelisay xildhibaanadda muxaafidka ah oo qorshihii ay wateen murkucday, kaasoo mucaaridku u arkaan inay madaxtooyaddu soo maleegtay, kuna doonaysay in duuduub lagu jiidhsiiyo golaha, iyadoon gudigii loo xilsaaray soo lafa gurin, goluhuna ka doodin. ”Waxaanu rumaysan nahay haddii taasi dhab noqoto in madaxtooyaddu dib u istaadhayso khilaaf hor leh jaah wareerna umadda gelinayso, cadaana ay noqonayso inay fara gelin ku hayaan shaqadii golaha”. Sidaa waxa yidhi xildhibaan ka mid ah mucaaridka. Wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; ”Anaguba mooshin baanu haynaa la xidhiidha hawl gudashada Madaxweynaha, ee maaha in laysugu hanjabo mooshin”.
Halkan guji oo ka bogo warkan oo faahfaahsan iyo xogo dheeraad ah oo la xidhiidha arrintan