“Muranka Siilaanyo & Samaale Waxa Huriyay Maaraynta $ 39.5 Million ‘Khasnadda Madow” Hoodo Yuusuf

0
30

Muranka Madaxwayne  Siilaanyo iyo Ex-Wasiir Samaale wuxuu salka ku hayaa maaraynta iy maamulka KHASNADDA MADOW “ Black Box “  oo rasmi ahaan loo yaqaano  “ KHASNADDA GUUD EE QARANKA- SUBHEAD 152”.  Sanadka   2015, waxa   loo qorsheeyay   $ 39.5 Million (( SHL 236 Billion) .EX-Wasiir Samaale waxuu maso’ol ka ahaa  uruurinta   lacagtas   . Bixinteeda iyo tasarufkeeda kale  waxuu Madaxwayne Siilaanyo u  igmaday ‘” KITCHEN CABINETka  “ oo ka kooban   1. Marwada Kowaad – Amina Weris  2.  Wasiirka Madaxtooyada –Xaaji  Xirsi 3. Baashe Awil “ Morgan”  4. Xildhibaan Cali  Mareexaan.

HOODOHadaba, Wasiir  Samaale   si “ DAAHIR YAA SHAMIS” ah  ayuu  sanduuqaa ugu talax-tegay. 2,500  oo qof oo   beeshiisa kasoo jeeda  ayuu qado sharaf ugu sameeyay Hotel Mansoour.  Wuxuu u yeedhay  dhamaan  warbaahinta iyo saxaafadda nooceeda kala duwan  .  Wuxuu ku dhawaaqay  inuu u taagan yahay tartanka Madaxwaynaha.  Mashreq  iyo maqreba waa laga maqlay. Lacagta maalintaas baxday waxa lagu qiyaaasyay $ 90,000 (( 2,500 X  $ 30 per meal = $75,000 plus media & hall )).

WUXUU YIDHI MARXUUM IBRAHIM GADHLE :

 TUUG HALKU KU XADO TULUD

TAHAN BUU KA GUURAA;

MID TIRIIK SITA YIMI.  ((  Wuxuu la mid yahay   tuug isku shiday Flashlights- Daahir yaa shamas))

Arrinkaas waxa ka cadooday “ Kitchen Cabintka” oo arkay habaar. Madaxwayne  nool oo muddo xileedkiisi  aanu weli  dhamaan , ayuu ku dhawaaqay tartan . Waxa ka qayliyay Boqor “ Buur Madow” oo ku taliyay  in la eryo. . Waxa la yaabay aniga, oo ah   Drs Hoodo;  Waxa ka fajacay danyarta  iyo saboolka hantidoodi lagu   politigaayo. SANDUUQA MADOW  waxa lagu shubaa lacagta laga qaado shirkadaha shidaalka baadha    (( Royalties)); lacagaha   sida tooska ah  loogu caawiyo shacabka  Somaliland (( Direct Foreign grants));  lacagaha  kasoo xerooda   xaraashka & iibinta  hanitda guud  “ Booli Qaran” .Ex-Wasiir Samaale wuxuu  ku wareejiyay  Marwo Sam-sam $ 20 Million .

MARWO SAM-SAM.

Marwo Samsam, waa Marwo mudan xishmad  iyo qadarin.Waa aqooyahanad bare sare ka ahayd Dugsiyadda Sare ee Hargeisa . Waxay  ku  habooonayd  WAXBRASHADA . Aqoon iyo xirfad fiican uma laha arrimha  dhaqaalaha iyo maamulka lacagta qaranka  . laakinse, waxay saaxiibo dhaw yaheen Marwada kowaad; waxay isku da’ yaheen Marwadda kowaad; waxay isku degmo yaheen Marwadda kowaad. Marwo Samsam ma laha damac siyaasadeed .Waxa loo dhiibtay  muftaaxa khasnadda Madow.Waa lacagtii ummadda oo Qoyska Madaxtooyadu ku tallo galeen inay ku takrifalaan, kuna galaan dorashada , haddii aan laga qaban oo  aanay bulshadu ka qamaamin qasirga Madaxtooyada .

 Drs. Hoodo Yusuf  ; London UK.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here