Nairobi -(Hubaal) Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga jawaabay eedaymo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u jeediyey isaga iyo hoggaaminta xisbigiisa.
Qoraal murashax Cirro soo saaray maanta oo uu kaga jawaabay eedaymo Madaxweyne Biixi ugu xambaariyey khudbad uu ka jeediyey xafladdii furitaanka Madaarka Berbera shalay, waxa uu ku bilaabay:
“Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona. Muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweynaha Qaranka ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay shacbiga tustay in aad weli joogto xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka ahayd, kana korin shirarkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.
Shacabku waxa ay kaa filayeen inaad si weyn uga hadli doonto arrimaha Geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda iyo arrimaha doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.
Waxa aan ahay shaqsi aqoon u leh arrimaha dawladdnimada mana ahi nin ku xadgudba sharafta madaxda, waxaas’e yaab ummadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo, shacabkana aanad dib u xasuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maannu diidanayn wixii qaranka u soo kordha ee waxa aannu diidanayn qaabkii xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baalmarsaneyd sharciyadda dalka,” ayuu yidhi murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku dooday inuu isagu yahay Madaxweynaha xilka kala wareegi doona Madaxweyne Muuse Biixi.