Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:
Anigoo aan u kula hiilineynin Kulmiye, laakiin waxaa kashifaad ku sii ah xukuumadda talladda haysa ee uu ka soo jeedo xisbiga Kulmiye cadaalad la’aanta iyo eexda qaawan ee ay u cadeystay shacabkii Somaliland ee la kala qoqobaayo oo la kala qaybinaayo. Waxaa isu kay qaban waayey sababaha wasiiradda xillalka looga kala qaado.
Ragga kala ah Xaabsade, Boobe, Maxamed Xaashi, Taani, Jidhif, Ilhaan iyo Imika oo Maxamed Cabdillahi laga qaaday wasiirnimadda ayaa aan is weydiiyey sababta. Raggani oo dhami waxay iskaga mid yihiin inay ku waayaan xilkoodda fikirkoodda siyaasadeed, damiirkoodda iyo “Waar Ka Daaya”.
Halka ay wasiiro badani kursigga ku jooggaan Guul-wadeyn jooggta ah. Bal idinkaan garta idiin dhiibee miyeey jirtaa carqallad weyn oo shacabku ogyahay oo nimankaasi oo dhami ay ku waayeen xilkooddii.
Halka ay jiraan wasiiro shacabka fadeexadahooddii hadheeyeen oo iyaga aan maalin qudha waxba laga sameynin, weliba ciddii wax ka sheegtana xabsigga loo taxaabaayo, halka ay aheyd in baadhis loo diro oo la ogaado in musuqmaasuqan lagu eedeynaayo inay dhab tahay iyo in kale.
Halka wasiiradda qaarkood ay cadeysteen qabyaallad surwaalkii laga siibay oo indhihii ummadda ku soo jeedisay shaashadaha iyo wargeysyadda. Ma jecli inaan magacaabo, oo runtii ma jecli shakhsi weerarka oo ummadda ayaan u deynayaa. Waxaan ogahay uun in nimankaasi haldoorka ah inuu galaaftay fikirkooddu. Waxa kale oo aan fikirkoodda ku taageersanahay Xaabsadde iyo Fuaad Aadan Cadde.
Xaabsadde hadduu yahay la taliyihii way haboon tahay in arrimaha deegaanadda uu ka soo jeeddo lagala tashado.
Oday Xaabsadde waxaan leeyahay shacabka Somaliland way kuu ogyihiin kaalintii aad ka ciyaartay Laascaanood markii aad xukuumaddii Daahir Riyaalle ka caawisay.
Waxaanan leeyahay Xaabsadde cadhadda aad u qabtid xukuumaddan fadlan ha kula dhicin shacabka Somaliland; Xukuumaddanina koleyba wey tegi ee shacabku marna meel kala tegi maayo.
Xukuumaddani waxaan kula talinayaa inay ka waantoowdo arrimahan is dul-saaran ee soo jeediyey indhihii shacabka Somaliland.
Halka kuwa wax u qabanayna aad eryaysid kuwa ay ahayd in la eryana aad soo dhaweynaysid. Wasiiraddiina ma Car juudh dheh ayaa ku wadaan?