“Maanta Waxaan Idiin Sheegayaa Inaan Qaatay Go’aan Aad U Qadhaadh, Waxa Aan U Tanaasulay Danta Dadkayga Iyo Dalkayga”
Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay ee Somaliland Muuse Biix Cabdi iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo Tartan adagi dhex-maray, isla markaana waxa uu sheegay inuu isaga oo u tudhaya Dalka, Dadka Somaliland, Nabadgelyada, Midnimada iyo Wada-jirka Bulshada Somaliland uu aqbalay natiijadii doorashada Madaxtooyada ee shalay galab lagu dhawaaqay. Musharraxii Madaxtinnimada Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo uu Garab-taagnaa Ku-xigeenkiisa Maxamed Cali, waxa uu xalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu kaga warramay wixii doorashada laga filayey iyo siday wax uga qaldameen. Hase-yeeshee, isaga oo eegaya danta shacabka Somaliland waxa uu sheegay in uu qaatay natiijada doorashada, isla markaana liqayo saluugii ay ka qabeen natiijada doorashadda. “Aniga oo u tudhaya shacabka, nabad galyada qaranka oo aanan ogolayn in la daadiyo dhiiga shacabkayga waxaan qaatay natiijada doorashada.”ayuu yidhi murashax Cirro. “Maanta waxa aan idiin sheegayaa in aan qaatay go’aan aad u qadhaadh, waxa aan idiin sheegayaa in aanan u tanaasulin Muuse Biixi, Umaan tanaasulin Kulmiye ee waxa aan u tanaasulay danta dadkayga iyo dalkayga” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).