Dadweynaha Deegaannada Candho dhexe iyo Heerre oo Muujiyey Cududooda Taageero ee Xisbiga KULMIYE
Caynaba(Hubaal)-Dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba ee caasimadda gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo hawllo la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta ku maraya deegaanno ku yaalla bariga Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, haween iyo dhallinyaro, ayaa kasoo amba baxay magaalada Burco, waxana ka hor intii gaadhin magaalada Caynaba soo dhaweyn loogu sameeyey magaalooyinka Magaalooyinka, Kirir iyo Wadaamagoo, iyaga oo dadweynaha deegaannadaasi muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashixiisa.
Kumanaan kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saraar, cuqaal. Salaadiin iyo haween, ayaa dhinaca Galbeed ee magaalada kaga horyimi murrashax Muuse Biixi iyo Weftigiisa, waxana iyaga oo lulaya caleemo qoyan iyo weliba astaanta xisbiga KULMIYE ay u galbeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in dadweynaha lagala hadlo, waxana halkaas halkaas hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan ka jeediyey xubno tiro badan oo weftiga iyo dadweynaha deegaankaba isugu jira.
Cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, aqoonayahanka, haweenka, xildhibaannada iyo dhallinyarada gobolka Saraar oo hadallo ka jeediyey madasha soo dhaweynta weftiga, ayaa ku dheeraaday waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda KULMIYE ka geysatay guud ahaan gobolka, waxana ay shaaciyeen inay dadweynaha reer Saraareed si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay codkooda siin doonaan murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saraar oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna ku dheeraaday taageerada ay dadweynaha reer Saraareed u hayaan xisbiga KULMIYE iyo sida hagar la’aanta leh ee xukuumadda KULMIYE wax uga qabatay qaybo badan oo kamid ah tabashooyinka gobolka yaalla.
Xubno weftiga ah oo ay kamid yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale, Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey), Cabdikariin Axmed Xinif,Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dadweynaha reer Caynaba uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay kala kulmeen, waxana ku bogaadiyeen sida gacaltooyada leh ee ay kusoo dhaweeyeen.
Wasiirka wasaaradda wasaaradaha Hawlaha guud iyo guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), Dib-u-dejinta Md. Cali Siciid Raygal, wasiiru-dawlaha caafimaadka Md. Maxamuud Jaamac Galaal iyo wasiiru-dawlaha waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa ka dareenceliyey soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, waxana ay si kal iyo laab ah ugu hambalyeeyeen soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn iyo taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dadweynaha reer Caynaba uga mahadceliyey soo dhaweynta ay ku qaabileen, waxana uu sheegay inuu maanka ku hayo xushmadda iyo qaddirta waqtiga badan qaadatay ee ay shacabku ku waabileen weftiga.
Dadweynaha Deegaannada Candho dhexe iyo Heerre oo Muujiyey Cududooda Taageero ee Xisbiga KULMIYE
Dhinaca kale Dadweynaha ku dhaqan deegaannada Candho-dhexe iyo Heere ee gobolka Togdheer, ayaa munaasibad ballaadhan ku muujiyey taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE.
Munaasibadda ay dadweynahani ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE oo lagu qabtay Hutel Kaafi ee magaalada Burco, ayaa waxa goob joog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo taageerada beesha, isla markaana lagaga mahadceliyo sida hagar la’aanta ah ee ay diyaarka ugu yihiin inay qaybtooda ka qaataan halganka xisbigu ugu jiro inuu mar labaad ku guulaysto talada dalka.
Xubno tiro badan oo isugu jira waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta deegaankan oo madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey inay taageero hiil iyo hooba leh u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashixiisaba, isla markaana ay si aan kala hadh lahayn codkooda ugu hibayn doonaan waqtiga la gaadho doorashada soo socota ee madaxtinimada.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Md. Maxamuud Jaamac Galaal oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dadweynaha deegaannada Candho dhexe iyo Heere caan ku ahaayeen taageerada KULMIYE, isla markaana ay waqti-xaadirkan sii cusboonaysiinayaan taageeradii iyo hiilkii ay KULMIYE u hayn jireen ee ay caanka ku ahaayeen.
Wasiirkii hore ee maaliyadda ee xukuumaddii uu madaxweyne Daahir Rayaale Hogaamiyaha ka ahaa Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda ma guuraanka ah ee ay beeshani leedahay, isaga oo mid mid u magacaabay shakhsiyaad caan noqday oo dhalasho ahaan kasoo jeeda.
Siyaasi Axmed Xasan Cigaal oo isaguna ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa si waafi ah u sharraxay sida uu xisbigu baahi ugu qabo inuu taageero loo midaysan yahay ka hantiyo dadweynaha kasoo jeeda deegaannada Candho dhexe iyo Heere, isaga oo ku bogaadiyey taageerada aan kala hadhka lahayn ee ay muujiyeen.
Guddoomiyaha xisbbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya halkaas ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabweynaha kasoo jeedaa deegaannada Candho dhexe iyo Heere ee taageerada luxdan u muujiyey KULMIYE, waxana uu sheegay inay hore taariikhda ma guuraanka ah u galeen xubno aqoonyahanno ah oo kasoo jeeday deegaanadaasi, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Aqoonyahan Muuse Galaal iyo weliba Ismaaciil Cali Abokor.