Liiska Tirakoob Uu Maareeyaha Dekeddu Ku Sameeyey Shaqaallaha Joogtada ah ee MArsada Oo Laga Reebay Muruqmaalka Waaxda Rarista Iyo Dejinta Maraakiibta+ Farriin Ay Madaxweynaha Iyo goleyaasha Qaranka Kaga Codsadeen In La Siiyo Xuquuq Ka Maqan Muddo Rubuc Qarni Ah o Ay Naawilayeen
“Waxaanu Madaxweyne Kuu Soo Jeedinaynaa In Xuquuqda Shaqaalahan Ka Maqan Ay Dhan Tahay $ 96,780,000……Waxaanu Codsanaynaa, In Xaqayaga La Eego, Oo La Doono Lacagtii Lanaga Jari Jiray Ee Lanagu Odhan Jiray Waa Laydiin Hayaa Oo Bangigaa Lagu Shubay, Lanoo Xisaabiyo Annagoon Waxba Diidanayn”.
Berbera (Hubaal) Shaqaale ka tirsan WAAXDA rarista iyo dejinta Maraakiibta kusoo xidha Dekedda magaallada Berbera ayaa ka hadlay tirokoob iyo qiimayn lagu sameeyay shaqaalaha dekedda, kaas oo sida ay sheegeen laga reebay ururkooda liiskaasi qiimaynta ah ee lagu sameeyay shaqaalaha ka hawlgala dekedda Berbera.
Shaqaallahan oo Warbaahinta kula hadlay magaallada Berbera waxa ay cabasho ka muujiyeen xuquuqo ay leeyihiin oo laga duudsiyey iyo shaqaallaha muruqmaalka ah ee dekedda ka hawl gala oo tirakoobkooda iyo liiska magacyadooda uu maareeyaha dekeddu u gudbiyey shirkadda Dp World, liiskaas oo ay sheegeen in haba yaraatee aanay ku jirin iyagu. Xubno u hadlay hawl wadeennadan ayaa farriin u diray Madaxweynaha somaliland iyo hay’adaha kale ee ay khusayso arrinta dekeddu iyaga oo ku dooday in ay qayb libaax ka qaataan horena uga soo qaateen geedi socodkii shaqo ee dekeddu soo martay tan iyo dhawr iyo sagaashankii markii uu Madaxweynaha ahaa MArxuun MAxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Waxaanay ka hadleen ahmiyada uu ururkoodu ugu fadhiyo iyo doorka ay ka qaataan hawlaha dekedda Berbera, iyo xuquuqo aad u badan oo ay ku leeyihiin, muddo shan iyo labaatan sano oo ay sheegeen inay kasoo shaqeynayeen halkaasi. Shaqaalahan ku bahoobay Ururkani ayaa sidoo kale waxaa ay ku doodeen inay maalgelin ku sameeyeen urur ahaan dekedda Berbera, iyo Somaliland-ba, waxaanay madaxweynaha Somaliland iyo guddida sare ee maamulka dekedda ka codsadeen in hoos loo eego xuquuqdooda. Maxamed Rooble Diiriye oo kamid ahaa xubnihii ay shaqaallahani u wakiisheen in ay warbaahinta la hadlaan ayaa yidhi “ Ururkan oo ah urur ku shaqo leh ama ku shaqeeya arrimaha dhoofinta, rarista iyo dejinta, kaas oo muddo aad u dheer ka soo shaqeynayay dekedda Berbera. Marka intaas laga yimaado annagu halka Ton waxaanu ku rognaa saddex Doolar iyo Badh ($ 3.5), laba Doolar iyo badh ($2.5) ka mid ah ayaanu qaadanaa annagu, oo waxa naga maqan hal Doolar ($1) oo ay dawladdu qaadato. 1993 markii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal halkan yimid ayuu ururkan Salfadooranka ka codsaday in muddo saddex sanadood ah la siiyo halkaa Doolar ($1), hase ahaatee lama soo celin ilaa maanta oo halkaa Doolar sidaas ayuu u maqanaa. Waxaanu ahayn dad dalkooda caawinayay oo ka qaybqaadanayay dhismaha dalkooda, waxaanu ahayn shirkad wax soo saar oo dakhli soo gelisa dowladda, ee mid iyadu wax ka qaadata maanan ahayn. Arrintu haddaba markay halkaas marayso waxa dhacday in Carab lagu wareejiyay Dekeddii, oo ma diidanin, waanan soo dhaweynaynaa maalgashiga iyo wax kasta. Laakiin waxa weeyi maadaama aanu annagu ahayn shirkad Salfodooran ah oo dakhli usoo xeraysa dawladda dhexe inay ogtahay iyo inay dekedda oo keliya ku kooban tahay dakhligaanu soo xerayno, dee annagu ma garanayno. Halkaas marka laga tago ee la yidhi shirkad carbeed baa lagu wareejiyay Dekeddii, annaga waxaa lanaga dhigay dad aan rasmi ahayn (Temporery). Maareeyuhu wuxuu gudbiyay sideed boqol iyo afartan (840) qof oo beeyroolka ah, annagu waxaanu ahayn dadka inta Beeyroolka ku jirta ka qaalisan, sababtoo ah annagu (ururka salfadooranka) waxaanu nahay dad dakhli soo geliya ama usoo xereeya dowladda iyo dekkeddaba.
Muddo saddex iyo toban (13) sanadood ku siman ayaanu qalab wax ka helnay, dhimashadayada iyo dhaawacayagii yaraaday. Hadda kuwan dhinacayga taagan qaar baa jajaban oo Media-hu inay arkayaan baan filayaab. Waxaanu codsanaynaa, oo aanu wasiirrada iyo madaxweynaha iyo maamulka sare ee labada gole qaranba aanu ka codsanaynaa, in xaqayaga la eego, oo la doono lacagtii lanaga jari jiray ee lanagu odhan jiray waa laydiin hayaa oo bangigaa lagu shubay, lanoo xisaabiyo annagoon waxba diidanayn.
Dhinaca kale Ururka Salfadooranka ah ee dekedda magaaladda Berbera waxaa ay soo bandhigeen wadarta lacag ahaan ee xuquuqda ay sheegeen inay kaga maqan tahay dekedda marka laysku wada daro
“waxaanu madaxweyne halkan kaaga soo jeedinaynaa in xuquuqda shaqaalahan ka maqan ay dhan tahay qadarkeedu Lix iyo sagaashan Milyan Toddoba boqol iyo Sideetan kun oo Doolarka maraykanka ah ($ 96,780,000 Milyan), in aanu xuquuqdayadaa helno iyo wixii kale ee aanu xaqa u leenahay. Ayay yidhaahdeen shaqaalaha ururkan ku bahoobay, iyagoona intaasi ku daray “waxaana intaasi noo dheer caawintii aanu xoogayaga aanu ku caawinay dekedda Wajaale, oo naf iyo maalba aanu galinay intii karaankayaga ahayd, oo aanu islahayn in barxaddaa dekaddu ha noqoto barxad dekedda, dalka iyo dowladdaba wax u tarta, mar haddii la wareejinayo, waanan soo dhaweynaynaa maalgelinta dekedda, mana diidanin ee laakiin waxaanu leenahay aanu helno xuquuqdii muwaadinnimo ee aanu xaqa u lahayn.”
Waxa kale oo shaqaalahan ku bahoobay ururka Salfadoorannimada ku doodeen, inay sameeyeen goob ka urur ahaan ay kusoo kordhiyeen dekedda Berbera oo lagu dejiyo Koonteenarrada, halkaasi oo ay sanadkii ku degaan in ka badan afartan kun (40,000) oo Koonteenarro ah “ goob in kabadan 40,000 oo koonteenarro lagu soo rogo sanadkii oo aanu ku samaynay iskaa wax u qabso, markay dekkadu keento waxa lagu dhisayo oo ah; Loox, Jey, dhagax iyo qalabkaasi, wixii kale oo dhan annaga ayaa qabanaynay oo dhismaha iyo sabadda shubaynay,waxaanu ku dhisaynay iskaa Wax u qabso, markaa maanta maaha haddii ay shirkaddi qabsatay in xaqayagii aanu helno.”