Hargeysa, (Somali Reports/Hubaal) – Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Iyo Ku Xigeenkiisa Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan ayaa ka qaybgalay sanad guuradii 7-aad ee kasoo Wareegtay aas-aaskii kooxda Golden Boys ee xaafadda Daami oo ka mid ah kooxaha ugu cad-cad wakhtigan naadiyada heerka 2-aad ee caasimadda Hargeysa.
Munaasibadda lagu soo casuumay madaxda sare ee xisbiga UCID ayaa ka qabsoontay xaruunta guud ee xaafadda Daami ay ku leeyahay dhalinyarada Xaafadaasi, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xaafadda Daami Maxamed Aadan Wayrax, kaas oo Musharaxa madaxwaynaha xisbiga UCID iyo ku xigeenkiisa uga mahadnaqay ka soo qaybgalka xafladaasi lagu casuumay, waxaanu masuulkaasi halkaasi ka cadeeyey in dhalinyarada iyo haweenka iyo guud ahaan waxgaradka xaafadaasi inay taageersan yihiin xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid ku kali ah saaxadda mucaaridnimo ee dalka.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay, Musharaxa madaxwayne ku xigeenka UCID C/rashiid Xasan Mataan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan uga mahad celinaynaa dhalinyarada, haweenka iyo waxgaradka xaafaddan oo ka mid ah xaafadaha ugu taariikhda dheer magaaladda Hargeysa isla markaana iyadoo ay xaafaddani ka mid tahay xaafadaha magaaladda ee ka araddan adeegii bulshadda ee ay dawladdu wax ka qaban wayday, run ahaantiina waanu aragnaa baahiyaha xaafadda ka jira waxaananu balan-qaadaynaa Insha Allaah hadii uu Ilaahay nagu guuleeyo inaanu wax ka qabano dhamaan, waxaanu jeclahay inaanu kulankani noqonin kulankeenii u danbeeyey ee uu aynu marar danbe oo badan waynu kulmi Insha Allaah”.
Intaa ka dib waxa isaguna madashaasi ka hadlay musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii aad baan ugu farxay markii lay sheegay balantan, sababta oo ah halkani waxay ka mid tahay meelaha noo qorshaysan inaanu nimaadno oo waxaad xaga hore kaga jirtaan dadka aanu danaynayno inaanu waraysano oo aanu xaal ogaano si aanu wax ula qabano Insha Allaah hadii aanu talada dalka ku guulaysano.waxaanan si fiican u ogahay inaad tihiin bulshadii codka badan siisay Maxamed Aadan Wayrax. Mida kale xaqiiqatan waa wax aan cidna ka qarsoonayn baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira xaafadani, waxaanan aaminsanahay inaydaan mudnayn in la idin dhayal-sado”.
Gaba-gabadii waxa halkaas hadalo kooban oo mahadnaq iyo soo dhawayn u badan halkaasi ka jeediyey Guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyaradda ee degmadda Gacan-Libaax Ibraahim Jaamac iyo Marwo Aamina Ayaan Maxamed oo ka mid ah madaxda garabka dumarka ee xaafadaasi, waxaanay madashaasi ka balanqaadeen inay taageero baaxadleh la barbar istaagayaan xisbiga mucaaridka ah ee UCID.