Hargeysa(Hubaal) – Musharaxa jagada madaxweyne xigeenka Ucid Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa gabi ahaanba iska casilay xilkii madaxweyne xigeen ee xisbiga Ucid. waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay, wuxuuna ku sababeeyay eedo uu u jeediyay guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
Waxa uu ku dooday in xisbiga uu afduubtay guddoomiye Faysal, sidoo kalena waxa uu sheegay in musharax Jamaal ka gaabiyay hawlaha xisbiga, islamarkaana ay ku kala aragti duwanaadeen siyaasadda xisbiga ” Markaan arkay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigu ka gaabiyay ka qaybqaadashada Hawlaha Xisbiga, Kuna kala aragti Duwanaanay Jamaal, Waxaan Si rasmi ah iskaga casilay xilkii murashax ku xigeen iyo Xubinnimadii Xisbigaba,” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa.
Dhawaan ayay ahayd markii hogaamiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, muujiyay inaanu kalsooni ku qabin musharaxiintiisa, sidaasi darteedna uu sheegay inuu musharaxiinta xisbiyada kale u ololayn doono. sidoo kalena guddoomiye xigeenka 3-aad Cali Guray oo hadalkaasi Faysal Tixraacayay ayaa sheegay inuu awalba filayay in dhammaadka khilaafka Kulmiye noqon doono bilawga khilaafka Ucid.