“Musharrax Lagu Noqon Maayo Sullux Iyo Sacab Baa La Ii Tumay Iyo Hablahaa I Jecel Oo Waa La Ii Footaynayaa”

0
24

Guddoomiyaha UCID Oo Mansabka Musharraxnimada Ee Jamaal Cali Xuseen Ku Tilmaamay Mid Qabyo Ahaa

faysal caliHargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo markii laga soo baxay Dacwad u dhaxaysay labada Garab ee UCID u kala fadhiyo,  ayaa si daran   ula hadlay JamaalCali Xuseen oo uu sheegay inaanu dib u sidan doonin Magac been ah oo uu Xisbiga ku dhex-joogay sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye Faysal oo Warbaahinta kula hadlay barxadda madasha  ay dacwadoodu ka socotay shalay waxaa uu ydihi “Arrintu Arrin Xusbi bay ahayd, qofki xisbiga ku jirana waxaa weeyey in uu xisbiga dhexdiisa ka dacwoodo, Jamaalna Isaga uun baa marna maxakamaddaha tegayay qolladanna [Guddida diiwaangelinta] isaga uun baa u yimi, wixii uu keenayna aflegaado uun bay ahayd, laakiin Alxamdullilah halkan maanta waxaa ka cadaatay wax badan” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, waxanau intaa ku daray “TV-ga in badan buu ka yidhi lacag baan bixiyay, milyanis baan bixiyey, wuxuu yidhi konton kun oo uu sheegay in uu u dhiibay Cabdinaasi [ku xigeenka Xoghayaha UCID] iyo Shan kun oo aniga igu qornaa iyo sagaal kun oo cidkale  ku qornayd. Toddobaatankaas kun ayuu wax lacag ah sheegtay.  Annaguna akoonkii baanu keennay waxaa akoonkaas ku taalla shan iyo tobankun oo mar ah iyo sideed iyo soddon kun oo mar ah markaa waxaa halkaa ka cadaatay in wixii uu odhan jiray lacag baan bixin jiray ay been ka noqotay. Waxaa kale oo halkaas ka caddaatay in heshiiska farta ha loo taago ama yaan loo tagine in uu ahaa heshiis qabyo ah oo u baahnaa sidii ay go’aamadu ahaayeen in shirweynaha lagu qabto laba bilood gudahood. Waxaa kale oo isna buray in markii aanu isaga musharraxa ka dhignay aanu ahayn urur kaasi oo xeerka number 14 qorayo in xisbi/ururka kagudba doorashada deegaanka ee u gudba xisbi uu musharrax madaxweyne yeellanayo shan iyo afartan maalmood gudahood halkaasna waxaa ka cadaatay inaanu sharci ahayn musharraxu, markaa sidaas baa arrinku yahay, soconna mayso sullux iyo halkan baa sacab naloo tumay iyo  hablahaa I jecel  oo waa la ii footaynayaa, waxaas oo dhan musharrax lagu noqon maayo”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay guddoomiye Faysal Cali Waraabe

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here