Musharrax QODAX CIRRO Oo Qabyo-tiray Balli-biyood Qadiimi Ah Oo Nus-qarni Aasnaa Iyo Cudud Taageero Oo Uu Ka Helay Tuullooyin Xadka Ku Teedsan Oo Burco-duurrey Hoggaaminayso

0
43

DAAWO SAWIRRADA Mas’uulkan Oo Socdaal Samo-fal Ah Ku Degmooyinka Celliyo, Ball-Cabdi, Burco-duurrey,  Sallaxley, Qool-cadey, Qool-buullale, Ina-Igirre iyo Toon,

 Musharrax QODAX CIRRO Oo Qabyo-tiray Balli-biyood Qadiimi Ah Oo Nus-qarni Aasnaa Iyo Cudud Taageero Oo Uu Ka Helay Tuullooyin Xadka Ku Teedsan Oo Burco-duurrey Hoggaaminayso

Hargeysa (Hubaal)- Xog-hayaha guud ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland [UCID] Ahna Musharraxa Doorashada Wakiillada Xisbigaas Uga tartamaya Gobolka Hargeysa Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa Socdaal xaqiiqo-raadin iyo Indho-indhayn ah ku soo kormeeray deegaannada hoos yimaadda Degmada Sallaxley iyo kuwa ku teedsan xadka ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Socdaalkan oo Musharraxa  ugu kuur galayey xaaladda nololeed, dhaqan-dhaqaale iyo wacyi-gelin ku dhereran sidii bulshada deegaanku uga qayb qaadan lahaayeen diiwaangelinta madaniga ah ee qaadashada kaadhka dhalashada, waxa ay kormeerkiisa ku wehelinayay hoggaanka guddida horumarinta ee Beelaha Cabdi Ciise iyo Baha-hooda.

pageSafarkoodan oo qaatay muddo dhawr maalmood ah waxa ay kusoo mareen deegaanno ay ka mid yihiin Celiyo, Ball-Cabdi, Burco-duurrey, iyo tuullooyinka hoos yimaada degmada Sallaxley sida Qool-cadey, Qool-buullale, Ina-Igirre iyo Toon.

Murrashaxa ayaa intii uu socdaalka kujiray waxaa uu deegaannadaasi kula kulmay oday-dhaqameedyada iyo waxgaradka tuulo kasta oo uu istaagaba, isaga oo ka dhegeystay baahiyahooda nololeeda iyo waxyaabaha aasaasiga u ah adeega bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, nabad galyada iyo horumarka deegaanka, waxaanu u ballan qaaday in ay u hawl galayaan sidii wax looga qaban lahaa duruufahaasi.

Dhinaca kalena waxa uu Musharrax Qodax ku wacyi geliyey dadka tuullooyinkaas inay ka qayb galayaan diiwaangelinta madaniga ah ee haatan ka socota deegaanadaasi isaga oo ku tilmaamay mid kala saaraysa Muwaadinka iyo dadka ajanebiga ah, cidii dayacda fursaddana aanay mar dambe si dhayal ah u soo mari doonin.

Geesta kale Waxa Cabdinaasir Qodax iyo weftiga la socday ay deegaanka Balli-Cabdi ee Koonfurta degmada Burco-duurrey kaga qayb galeen shir ballaadhan oo haldoorka deegaankaasi uga furmay degmadaas. Shirkaas oo waxyaabaha lagaga arrinsaday ay ugu muhiimsanayd in la hir-geliyo dayac-tir lagu qabyo-tirayo balli-biyoodka loogu magac daray deegaankaas ee Balli Cabdi, kaasi oo Muddo 54 sanno ah Aasnaa. casri ah oo deegaanku ka cabbo.

 Waxaa sidoo kale shirkaasi lagaga arrinsaday sidii taageero cudud iyo dhaqaale ahba loola barbar istaagi lahaa murrashax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo odayaashii madasha ka hadlay hoosta ka xarriiqeen in uu yahay Musharraxa keliya ee laysku raacay beel ahaan iyo deegaan ahaanba.

Cabdinaasir Yuusuf Cirro (Qodax) oo gebo-gabadii shirkaasi Khudbad ka jeediyey ayaa ergooyinka madasha fadhiyey uga mahad naqay soopage dhawaynta ay u sameeyeen iyo taageerada ay u ballan qaadeen, waxaanu ballan qaaday inaanu shakhsi ahaan isaguna hagran doonin wax ka qabashada baahiyaha deegaanka, kuwaas oo ay ugu horeyso qodista Balli Biyoodka. WAxaanu isla goobtaba ka dhawaaqay isla markaana ka fuliyey kaalintii kaga aaddanayd dhamaystirka balliga.

Isku soo duubduubo socdaalkii murashax c/naasi Yuusuf Cismaan( Qodax ) uu ku soo maray deegaanaadaasi ayaa ahaa socdaal taarikhiyaa oo uu ugu kuurgalay xaalada dhabta ah ee bulshada deegaankaasi isagoo indhihiisa soo saaray xaaladaha ka jira deeganaadaasi.

Geesta kale bulshooyinkii uu la wada kulmay ayaa si wayn ugu riyaaqsana safarka murashaxooda iyagoo ku soo dhaweenayay deegaan kastuu maraba caleemo qoyan kuna dhawaaqayeen halku dhigto ay ugu muujinayaa taageerada mugga leh ee ay u hayaan murashaxooda la isku raacay murashaxa cabdinasir qodax.

Hassan H. Keefkeef

Editor-in-chief

HUBAAL Media Network

News Office/Hargeysa, Somaliland

QODAX

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here