Musharrax U Tartamaya Hoggaaminta Xisbiga WADDANI Oo Bogaadiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiye Cirro

0
62

Musharraxa U Taagan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ibraahin Daahir Dubad Oo Soo Dhaweeyey Hadalka ka Soo Yeedhay Gudoomiye Cirro

dubbad

Hargeysa (Hubaal):-Musharaxa u taagan jagada gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Daahir Dubad isla markaana ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa soo dhaweeyey gudoomiye Cirro oo sheegay inuu hogaanka xisbiga ku wareejinayo beesha gobolka Hawd. Xoghaye Ibraahin Daahir Dubad oo ugu horayn ka hadlaya siyaasiyiinta ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “marka hore aad ayaan u soo dhawaynayaa sida xisbiga Waddani ay hawlihiisu u socdaan iyo dhamaan siyaasiyiinta ku soo biiraya, taas oo muujinaysa awooda xisbigu ku leeyahay bulshada iyo siyaasiyiinta dalkaba, waxaanan rajaynayaa inay siyaasiyiintaas miisaanka culusi xisbiga ku soo kordhin doonaan wax badan oo horu mar ah.”. Ibraahin Daahir Dubad oo ka hadlaya dareenkiisa la xidhiidha gudoomiye cirro oo sheegay inuu beesha gobolada Hawd iyo Hargeysa ku wareejinayo hogaanka xisbiga ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiyaha xisbigu waxa uu maanta ku dhawaaqay in kursiga gudoomiye-nimo ee xisbiga Waddani uu ku wareejin doono beesha gobolka Hawd, arintaas ayaad u soo dhawaynayaa waana go,aan geesinimo ah oo uu qaatay gudoomiyuhu, beesha gobolada Hawd iyo Hargeysa-na wali waxay ku hawlan tahay sidii ay u soo xuli lahaayeen cidii noqon lahayd gudoomiyaha xisbiga taas oo ah mid beesha u taala.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here