Musharraxa Ay Mansabkiisa Doodu Ka Taagan Tahay Ee Xisbiga UCID Oo Iska Dhiibay Aqalka Madaxtooyada

0
30

Tabashooyin Is Barkan Oo Uu Codsaday In Laga Taageero Iyo Goddobo Siyaasadeed Oo Uu Ku Cataabay In Mustaqbalkiisa Laga Gelayojamaal cali xuseen

Hargeysa (Hubaal)- Musharraxa ay mansabkiisa  doodu ka taagan ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa la weriyey in uu iska dhiibay aqalka madaxtooyada, isla markaanna ka codsaday gacan iyo gaashaan uu sheegay in uu uga baahan yahay dawlad ahaan si uu ugu gacan sarreeyo natiijada dacwadda u dhaxaysa isaga iyo guddoomiyihiisa ee haatan ku jirta gacanta hay’adda garsoorka ee qaranka.

Jamaal Cali Xuseen Ayaa la sheegay in uu habeenkii Jimcihii ee toddobaadkii inna dhaafay uu toos u tegey madaxtooyada isla markaana kulan uu isagu codsaday qabsoomidiisa ku hor fadhiistay mid kamid ah masuuliyiinta ay taladu ka go’do ee aqalka madaxtooyada isaga oo ka codsaday in laga taageero qorsheyaasha siyaasadeed ee suuro gelin kara in aanu si dhib yar uga bixin saaxadda siyaasadda maadaama oo uu khilaaf gaadhay maxakamaddu saamayn togan ku yeeshay miisaankii uu ku lahaa masraxa siyaasadda guud ahaan gaar ahaanna xisbiga UCID oo siyaasad ahaan cudduda taageero ee uu ku leeyahay aanay sidaas u buurnayn.

Warar madax banaan oo wargeyska HUBAAL helay ayaa xaqiijiyey in Musharrax Jamaal uu si aan gabasho lahayn ugu cawday Madaxtooyada isaga oo ku cataabay in ay tahay marjica keliya ee loo noqdo marka ay timaaddo xaalladan uu Jamaal ahaan ku jiro iyo maxsuulka uu kala kulmi karo  bar dhamaadka giraanta siyaasadeed ee la wareegaysa.

Kulankan oo sida warku xusay u badnaa tabashooyin halbeegoodu cabirayo garaadka siyaasaddeed iyo weliba waayo aragnimada Musharrax Jamaal waxaa kale oo uu ku soo bandhigay nooca ay tahay kaalmada uu masuul ahaan uga baahan yahay iyo nooca ay tahay gacanta uu ka magan saday, kuwaas oo sida ilo wareedyadani tibaaxeen u badnaa dhawr qoddob balse ay u mudnaayeen in madaxtooyadu ay uga hiiliso garabka kale ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe kaasi oo uu u arkay in uu kaga awood batay yahay dhinaca siyaasadda, isla markaana uga faro dhuudhuubnaaday dhinaca madaxtooyada iyo sidoo kale hoggaamintii iyo hannashadii xisbiga dhexdiisa oo aanu Jamaal door muuqda ku lahayn.  Waxaa kale oo warku xusay in kulankan uu Jamaal ku sheegtay inay jiraan goddobo siyaasadeed oo Mustaqbalkiisa laga galayo kuwaas oo ay madaxxtooyaduna afka ka xidhatay oo aanay waxba ka odhan, hase yeeshee warku ma cadayn in cidda uu durayo in ay goddobta siyaasadeed ka galaysaa tahay madaxtooyada iyo in kale. Ugu dembeyn waxaa uu Jamaal u soo jeediyey  in aan waxba laga weydiin mawqifkiisa iyo qorshayaasha uu damacsan yahay, isla markaana aanu madaxtooyada ka helin wax dhaqaalle ah ama dhiirigelin kale ah oo ay ku garab istaagto, sidaasi oo ay tahayna uu diyaar u yahay in uu qabto wax kasta oo looga baahdo, shuruud la’aanna  u  hagar baxayo, haddii wax lala qabto oo sida uu doonayo laga taageero.

Dhinaca Madaxtooyada Somaliland ayaa warku tibaaxay in kulankan lagu qaabilay Musharax Jamaal ee habeenkii Jimcihii ee inna dhaafay ka qabsoomay qasriga madaxtooyada aanu Jamaal  wax jawaab ah oo waafi ah ka helin isla markaana aan wax ballanqaad ah loo samayn maadaama oo kulanku u badnaa dhinaciisa iyo dhegaysiga cabashadiisa. Ugu dembeyntiina Masuulkan ayaa natiijo la’aan kala soo hulleelay kulankan, oo u muuqday mid dhabarka loogu jeediyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here