Hargeysa(Hubaal):-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Sharaxaad ka bixiyey Kulamo Shalay dhex maray Asxaabta Mucaaradka ah iyo Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada ka taageera Somaliland. Waxa uu sheegay inay kala hadleen arimaha Diwaan galinta oo ay ku muran san yihiin Mucaaradka iyo Xukumaddu.
“Waxaanu Qaadhaan bixiyeyaasha kala hadalay Arimaha Somaliland danta u ah, waxaanu kala hadalay Doorashooyinka iyo arinta ugu wayn ee ay u yimaadeen oo ah Xeerka labada diwaan galinood ee ta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha oo Xukumaddu gadhka isku galisay, taasi oo abuurtay jaah wareer badan” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharaxa Ucid waxa uu sheegay inay hore u kala saxeexdeen 3-da Xisbi iyo Wasaaradda Daakhiligu inay labada diwaan galinood noqdaan kuwo kala duwan oo aan shuqul isku lahayn.
Jamaal Cali Xuseen oo la waydiiyay bal inay qaadhaan bixiyeyaashu dhegaysteen Dacwadooda ayaa ku jawaabay “Dee Meesha dacwad ba maaha, waraaqo ayaa yaala Dhokomentis baa yaala, waana wax mar hore la kala saxeexday oo go’aan lagu gaadhay. maaha dacwad cusub iyo wax hadda la isku haysto ee Saxeexii madaxweynaha ayaa yaala, saxeexii Wasiirka daakhiliga yaala, markaa dawladani waxay gashay ballanqaad ay Dadka u qaaday oo qaadhaan bixiyeyaasha u qaaday oo waliba qoraal ahaan inay sidaasi u soconayaan diwaan galinuhu balse maanta way ka duween” ayuu yidhi Musharax Jamaal.