“Musharraxiintu Waxay U Baahan Yihiin Cid Wakiil Uga Ah Qaadashada Kaadhadhka Golaha Dhexe, Waayo..”

0
60

Huwanta Ku Foogan Garba-duubka Shirka KULMIYE Oo Ku Cataabay In Loo Ogolaado Goob-jooge Aqoonsiyada Golaha Dhexe Qeybintooda Uga Wakiil Noqda

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ah garabka huwanta ah ee ku fooggan arbushida qabanqaabada shirka shanaad ee golaha dhexe ee KULMIYE  ayaa sheegay in ay u ballansan yihiin maanta oo sabti ah shir ka dhan  qabashada Shirka Golaha dhexe, kaas oo ay hor kacayaan musharraxiinta la loollamaya guddoomiyaha KULMIYE. Maxamed-waabeeyo oo kamid ahaa xubno garabkoodu kula kulmay madaxweyne ku xigeenka ayaa  shir doceed ay dhowrkii caano maal ee u dembeeyey ku yeesheen Huteel Maansoor ku yeesheen ayaa ayaa Saxaafadda u sheegay inay shirkaas ku go’aansadeen inay maanta qabtaan shir ay kaga hadlayaan xaaladda KULMIYE ee wakhtigan,  iyo wargelintii Xoghayaha guud ee xisbigu  ku shaaciyey in xubnaha Golaha dhexe kaadhadhka loo  samayndoono wixii maanta ka dembeeya.  Xildhibaan-Waabeeye“Waad aragtaan culayska shirku leeyahay, Maadaama oo uu ka soo baxayo Madaxweynaha Mustabalka ee xisbiga KULMIYE, markaa in guddiga fulinta iyo Golaha dhexe shiraan waa dabiici waxaana laga hadlayaa sidii shirkaasi uu si hufan ugu dhici lahaa” sidaa ayuu yidhi Waabeeyo, waxaanu intaa ku daray  isaga oo ka hadlaya Shirar doceedyada garabkooda u socday   “Waxaanu go’aansanay inaanu jilcino sida loo gelayo shirka, waayo?  Mustaqbalkii KULMIYE waxa uu ku xidhan yahay habka loo maamulo shirkaa.  waxaana Musharraxiinta intooda badan isla qaateen in Sabtida [maanta] aanu qabanno shir weyn oo aanu kaga hadlayno arrimaha xisbiga. “waxaad ogeydeen in Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE uu ku baaqay in  Sabtida la is-diwaangeliyo oo la qaato Kaadhadhka Golaha dhexe, laakiin Musharraxiintu waxay u baahan yihiin inay helaan cid wakiil uga ah qaadashada kaadhadhka oo ka hubisa in dadka kaadhadhka qaadanayaa yihiin Golaha dhexe, Waayo ? siyaasaddu aamin malaha”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here