Go’aanka noocan u qalafsani saameyn ma ku yeellan doonaa Xidhiidhka ka dhexeeya Shiinaha iyo Dunida Islaamka? Warbixin
Beijing(Hubaal)- Dadka aaminsan Diinta Islaamka ee dalka shiinaha ayaa laga madnuucay inay soomaan Bisha barakaysan ee Ramadaanta.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka gobolka Xinjiang ee galbeedka Shiinaha ayaa Muslimiinta ka mamnuucay in ay soomaan inta lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka.
Go’aan lagu bartilmaameedsanayo Shaqaalaha iyo Macalimiinta
Arrintan ayaa ka hor imanaysa xaqa ay Bulshooyinka Caalamku u leeyihiin Diimaha ay aaminsanyihiin, isla markaana abuuraysa Takoorid diimeed hadaanay dawladda shiinuhu talaabo deg deg ah ku joojin go’aanka lagu cadaadinayo Dadka la bartilmaameedsaday oo u badan shaqaalaha dowladda, macalimiinta iyo ardayda, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay ee degta gobolkaasi isla markaana u badan Muslimiin.
“Ma jiri karo Macalin qudha ama Arday ka qayb qaadan kara Dhaqdhaqaaqyada Diimeed, Ardayduna sidoo kale kama qayb geli karaan”ayaa lagu yidhi beyaan lagu baahiyay bar internetka ay ku leedahay Dawladda Shiinuhu
Mid ka mid ah ururada ay leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyaddani Uighur oo dibadda ka jooga dalka Shinaha ayaa sheegay in xukumaddu ay xitaa dadka siinayso cunto bilaash ah maalintii si aanay u soomin.
.“Lama ogola in dhuumasho lagu soomo”ayaa lagu sii yidhi Beyaanka dawladda ka soo baxay.
Website ay leeyihiin Dadka Muslimka ah ee degen deegaanka Hotan, ayaa lagu sheegay inay Shaqaalaha dawladda iyo kuwa hawl-gabka noqdayba ay saxeexi doonaan warqad ay ku balan qaadayaan inaanay Soomi Karin Bisha barakaysan ee Ramadaanta.sidaa waxa Sheegtay AP.
Arrintan ayaa keentay in dadka qowmiyaddan ay ka cawdaan in hoggaamiyeyaasha qaran ee dalkaasi Shiinaha ay weerar ku hayaan Diinta ay aaminsanyihiin iyo dhaqankooda.
Xad-gudub diimeed oo xidhiidhka saameyn kara
Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintani ay la xiriirto rabshadihii qowmiyadaha ku salaysnaa ee dhawaan ka dhacayay gobolkaasi Xinjiang, sida ay BBC-du ku warantay.
Laakiinse looma nisbayn karo arrintan marka laga hadlayo saameyn diimeed ee ay keenayso, oo ka hor imanaysa caqiidada islaamka.
Dad badan oo diinta islaamka Aaminsan ayaa ku nool Shiinaha, waxaanu sidoo kale dalkaas xidhiidh Ganacsi iyo mid siyaasaddeed oo dhow la leeyahay Wadamo badan oo Muslim ah oo Carab iyo Afrikan isugu jira.
Weeraro loo aanaynayo Muslimiinta
22 bishii may ee la soo dhaafay ayaa weerar Bom loo adeegsaday lagu dilay 43 Ruux meel suuq ah Caasimada Gobolka Urumqi, waxaana la sheegay inay afar ruux fuliyeen weerarkaas.
Bishii June ee aynu soo dhaafnay 22-keedina Booliska Magaalada ku taalla Galbeedka fog ee Kashgar la yidhaahdaa waxay sheegeen inay 13 dagaalyahan oo weerar fulinayay dileen, iyagoo ku soo socda saldhig boolis.
Weeraradan ayaa Hay’addaha ammaanka ee Shinuhu ku eeddeysay waxay ugu yeedheen Muslimiinta Xag jirka ah ee dalkaasi ku nool.
Si kastaba ha ahaatee talaabada Soomka lagaga joojiyay dadka Islaamka ah ee dalkaasi ayaa hadii ay jawaab u noqonayso weerarada noocaas ah, waxay u muuqataa mid qalafsan oo ka hor imanaysa caqiidooyinka bulshada caalamka.