Mustafe Shiine Oo Sheegay In Dalku Hodan Noqon Doono Haddii Imaaraadku Berbera Ka Samaysto Saldhig Ciidan

0
36

mustafe shiine

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Md. Mustafe Shiine, ayaa si adag u difaacay saldhigga ciidan ee Imaaraadku doonayo inuu ka hirgelyo magaalo xebeedda Berbera, waxana uu sheegay in laga hodmi doono.

Mustafe Shiine oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in dawladaha caalamka ee dalalkooda laga hirgeliyey saldhigyada militeri faa’iidooyin badan gaadheen, waxana uu tusaale usoo qaatay dawladda Djibouti,“Dawladda aynu jaarka nahay ee Djibouti iyada oo mushaharka iska bixin la’ ayaa 11-kii September dabadeeda saldhig militeri laga kiraystay, maantana waxa ay isku bixisaa waa kirada saldhigyadaas”ayuu yidhi guddoomiye Mustafe Shiine.

Mustafe Cabdi Ciise waxa si cad u sheegay in masuuliyadda qaranku saaran tahay madaxweynaha, isla-markaana uu  madaxweynuhu saldhigaas u arko inay danta qaranku ku jirto, waxana uu yidhi,“Masuuliyadda dalka waxa iska leh xukuumad uu madaxweyne la doortay hoggaamiyo, hawsha saldhiggana sida ay xukuumaddu u waddo waan taageer sanahay, waxana aan aamin sanahay inuu saldhigaasi faa’iido u leeyahay qaranka.”

Waxa uu jawaab adag siiyey axsaabta mucaaridka ah ee carsho-carshaynaysa bixinta saldhigaas, waxana uu usoo jeediyey inay wakhtigooda sugaan oo ay ixtiraamaan cidda xilligan hoggaanka dalka haysa,“mucaaridkeenu haddii ay xukuumadda ku haystaan awoodeedii waa mucaarid xumo, xisbigana waxan leeyahay suga maalinta aad kursiga timaadaan”ayuu yidhi Mustafe Shiine.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here