Musuq-maasuqa Iyo Fadeexadaha Maamul Ee Dul-hoganaya Wasaarada Warfaafinta
Goormaa lagula Xisaabtami doonaa Cukuse $120,000.00 ee Sanad Walba Kirada Looga Qaado BBC-da VOA-da Iyo Hagar-daamooyinka is-huwan?
Hargeysa(Hubaal/Xigasho Wargeyska Yool)-Marka laga yimaado xajmiga dhaqaale ee sida joogtada ah looga leexsado Dakhliyaadka wasaaradda Warfaafinta ka soo gala adeegyada ay qabato, sida xayeysiisyada Ganacsiga ee Idaacada iyo Telefishanka, Mashaariicda horumarinta iyo qalabka, kordhinta Dhismeyaasha, dul-saarka miisaaniyadaha Waaxyaha Wasaarada, gunnada soo saareyaasha Barmaamijyada, siiba qaybta Radio-ga iyo xataa lacagaha kale ee xarakaadka maalinlaha ah ku soo baxa, waxa jira lacago caddaan ah oo Sanad kasta ku soo dhaca Wasaaradda, kuwaasoo aan la aqoon wax lagu qabto iyo habka loo maamulo toona.
Lacagahaasi, waxa ka mid ah Kirada dawladdu ka qaado Taawarada iyo FM-yada labada Idaacaddood ee BBC-da iyo VOA-da oo Sanad walba laga qaado lacag isu-geyntoodu dhan tahay Boqol iyo labaatan kun oo Doolarka Maraykanka ah ($120,000), taasoo intii aan Wasiir Cukuse iman Wasaaradda labada Hay’addood ee Warbaahinta Caalamiga ah laga kala qaadi jiray BBC-da oo Shan iyo toban ku ah ($15000) iyo VOA-da oo bixisa lixdanka kun oo dollar (60,000), balse 2013-dii Xukuumaddu dalbatay inay BBC-du kordhiso Kiradaas, kana ka dhigto lixdan kun, sida VOA-da.
Maamulka iyo ku-tasarufka lacagtan oo marna ku baydhin Qasnada Qaranka, isticmaalkeeda iyo ogaanshiyaheeduna ku kooban yahay hadba Wasiirka Wasaaradda jooga iyo Xisbiyeyaashooda marar Xaqul-qish ka soo gaadho, ayaa sida uu Wargeyska xoggo u dhuun-daloola ka helay, sanadkan Wasaaradda Maaliyadu ka dalbatay Wasiir Cukuse in lagu soo daro dakhliga wax soo saar ee Wasaaradiisa, si Miisaaniyada Qaranka loogu muujiyo.
Waxa la sheegay in markii ay Wasaarada Maaliyaddu dalabka soo xeraynta lacagta ku fashilisay lunsigeeda, uu Wasiir Cukuse gudbiyay Lix meeloodow meel caddaadkii lacagta, taasoo lagu sheegay Labaatan kun oo doolar( $20,000), halkii laga doonayay Boqol iyo Labaatan kun ($120,000), taasoo ay Wasaaradda Maaliyadduna ka diiday, kuna soo celisay.
Ma cadda in Wasiir Cukuse uu u hir-galay isku-dayga lagu caddadka lacagtaasi, inkasta oo la sheegay inay si weyn isugu maan-dhaafeen dhigiisa Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale soo wada xareynteed, hase ahaatee waxa ay talaabada uu ku kala qarsaday daaha ka fayday, sida cad-ceedana u iftiimisay inuu u badheedhay Xatooyo Xoollo Qaran oo caddaan ah, muujinaysana facaa’il Musuq-maasuq oo shacbigu moog-yahay, taasoo loo baahanyahay inay talaabo deg deg ah ka qaadaan Hay’addaha dawladda u xil-saaran ilaalinta Hantida Moodka ah iyo la-xisaabtanka Xukuumadda. Waxaana hadii lagula xisaabtamo Dastuurka iyo Nidaamka hanta-dhowr ee Qaranka, isla markaana raad-raac lagu sameeyo hanaanka loo maamulo Miisaaniyada guud ee Wasaaradda iyo lacagaha uu sida leexsan ku Lunsado, ay dhici karto inay soo baxaan falal musuqmaasuq oo inta la ogyahay ka badan, kuwaasoo hadii lagu Maxkamaddeeyo uu ciqaab ku mutaysam doono.
Faaqidaad:-
Kuma Eeka Mulaaqa Maamul iyo hurinta Mushkiladaha ee Wasiirka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), xarunta Wasaarada ku dhex-taalla Xayndaabka Dayrka Idaacada, hase-yeeshee markii faro-gelinta iyo carqaladaha uu ku hayo hawlaha Shaqadiisa ka baxsan Xad-dhaafeen, waxa baylah noqday shaqada Qaranka ay u hayso wasaaradan xilkeeda loo cimaamaday.
Wasiir Cukuse Intii uu xilka la wareegay waxa hal-hal isu daba socda Mushkiladdo aan kala go’ lahayn oo saameeyay habsami-u-socodka hawlaha maamul iyo farsamo ee Wasaaradda, sida Muranka joogtada noqday ee u dhexeeya isaga iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka, kala dambeyn la’aanta madax-qaybeedyada labada hay’addood ee TV-ga iyo Radio-ga, isku mulaaqsanaanta iyo isku bed-bedelka xad-dhaafka ah ee Agaasimeyaasha.
Arrimahan, ayaa sal-dhig u noqday maamul-xumo ragaadisay horumar kasta oo laga sugayay inay sameeyaan Laamaha Warbaahinta Dawladdu, iyadoo aanay wali joogsan xag-xagashada uu Wasiirkan shaqadiisa baylahdu hadhaysay ku hayo Warbaahinta Madaxbanaan oo uu baxdo iyo dhacdo ku mashquulsan yahay soohida Mareeggo uu ku xidh-xidho ee uu ku damacsan yahay inuu raali gelin kaga Xukuumadda, uu meel-mariyo rabitaanka Madaxtooyada ee ku wajahan la dagaalanka madax-banaanida Saxaafadda.
Waxa aan muddo todobaad ka badan dalka iyo dibada toona laga dhegeysan Idaacadii waynayd ee Qaranka (Short Wave), oo sida Wargeyska Yool xogta ku helay u fadhida Cilad farsamo oo aan wali xal loo helin, taasoo ay ka hadalkeeda afka ka xidheen Masuuliyiinta Wasaaradda ee uu madax-yuubka u yahay Wasiir Cukuse.
Idaacaddan ayaa cilada ku timi dibada u soo baxday todobaadkan bilowgiisii, xilli uu Cukuse nashqadaynayay sidii uu Xeerka Saxaafadda u waafajin lahaa Xeer-nidaamiyaha wakhtigiisii laga soo gudbay ee Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ay Komishanka Doorashooyinka iyo Saxaafaddu ku heshiiyeen qaabka ay u wada shaqaynayaan.
Geesta kale, waxa sida heego Roob mar kale dib u curtay Khilaafkii u dhexeeyay Wasiir Cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas oo todobaadkan shaqada ku soo laabtay, kaddib uu dhowr bilood safar dibada ku maqnaa, kaasoo ay sida la sheegay isku qabsadeen faro-gelin maamul oo uu ku sameeyay, wararkuna ay tilmaamayaan inuu saxeexii ka joojiyay.
Ma aha wax Dhegaha bulshada Somaliland ku cusub ismaan-dhaafyada uu Wasiir cukuse qaybta ka yahay ee Wasaaradda Warfaafinta ka aloosnaa, tan iyo markii ay is-qabsadeen Agaasimihii Guud ee Wasaaradda laga bedelay iyo iminka oo markii saddexaad todobaad ka hor uu isku-shaandheyn ku sameeyay madax-qaybeedyada xarumaha Warbaahinta Qaranka ee Idaacada iyo Telefishanka oo uu marba ka dhex samaysto koox Taageerayaal u ah iyo shaqaale u soo gudbiya siraha Maamul iyo talaabooyinka ay qaadayaan masuuliyiinta ka hoosaysa ee Wasaaradda oo aanu Kalsooni wada-shaqayneed ku qabin. Shakiga iyo mushkiladaha taxanaha ah ee ka taagan Wasaarada Warfaafinta oo iyagu ah kuwo la kawsaday Wasiirka oo sida xoguhu sheegeen ay caqabadi ka haysato la-tacaamulka dadka la shaqeeya oo aanu ku ixtiraamin shaqada ay hayaan, balse uu sida Awr Layli ah ka diddo talooyinka iyo tusmo shaqeedka ay u soo jeediyaan. Isagoo cakiskeeda dabeecad ka dhigtay awood maroorsi iyo qalafsanaan uu u muujiyo.
Dayaca iyo daryeel la’aanta qalabka daruuriga u ah shaqada qalabka Warbaahinta, ciladaha joogtada noqday ee Injiinada, gubashadii Studio-yaha Idaacada, Jac la’aanta iyo tayo xumaanta habka Warbaahineed ee Qaranka, ayaa loo nisbaynayaa Maamul-xumada Masuulkan ugu sareeya Wasaaradda ee intii uu xilka hayay libinta ka raadinayay sidii uu indhaha Qasriga laga xukumo u tusi lahaa Saxaafadda Madaxbanaan oo jare ugu xidhan.
Mugdi kuma jiro in masuulka noocan ahi uu Liin caano lagu tuujiyay ku yahay guul kasta oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo hooyata inta ay dalka xukumayso, hase-ahaatee marka hoos loogu sii daadego dhibaatooyinka ka hurda Wasaarada Warfaafinta dhexdeeda, waxa jira musuq-maasuq baahan iyo Lunsi hantiyeed oo aan xisaab-celin iyo food-saaro midna laga keenin.