Kooxdan Ayaa Dhawaaqeedu Kusoo Beegmay Xilli Ay Buuralleyda Deegaankaas Ay Kusoo Xoogaysteen Kooxaha Mayalka Adagi
Horjoogaha Kooxdan Oo Ku Dooday In ay Difaacayaan Deegaannada Ay Beesha Warsengali Degto Ee Bariga Sanaag Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Weli Ka Hadal
Sanaag (Hubaal)- Muuqaallo VIDEO Ah Oo lagu baahiyey degellada internetka ayaa laga daawaday jabhado ku hubaysan hubka noocyadiisa kaladuwan kuwaas oo sheegay in ay yihiin jabhad cusub oo laga aasaasay deegaannada bariga Sanaag.
Nin WAayeel ah oo muuqaalka furitaankiisa ka hadallo ku bilaabay VIDEOga ayaa ku dooday in jabhadan ay ka sameeyeen deegaannada ay degaan beesha Warsengale ee bariga Sanaag iyagoo buu yidhi u dhisan difaaca deegaamadaas, xili ay kooxaha xagjirka ahi waqtigan la wareegeen buuralayda deegaannadaas ee ay beesha warsengali degto. Jabhadan ayaa warbaahinta marisay ujeedada ay u aasaasmeen, iyadoo hore Jabhado noocan oo kale ah ay beeshu sidan oo kale u samaysatay ay ku danbeeyeen inay isku bedelaan maleeshiyo taabacda kooxaha alshabaab sida tii Atam oo kale. Buuralayda Gobolka Sanaag ayaa waxa ka taagan dagaalo joogta ah oo u dhaxeeya Puntland iyo kooxaha mayalka adage e Alshabaab iyo Daacish, waxaana ka dhacay dhawaan dagaalo kooxahaasi ku naafeeyeen ciidamada Puntland. Maamulak Puntland ayaa kaga jawaabay weerarkii u danbeeyey inay madaafiic iyo diyaarado u adeegsadaan buuralaydaasi, hase yeeshee ay arrintaasi saamaysay dadka deegaanka, taas darteedna ay beeshu ugu dhawaaqday Jabhadan si ay u ilaashaan danahooga.
Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal arrintan iyada oo la filayo in waqtiyada soo socda ay ka jawaabi doonto farriinta kooxdani shaacisay