Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Silaanyo iyo taageerayaashiisaba ugu baaqay in ay uga hadhaan musharaxnimada jagada Madaxweynaha
Muuse Biixi, Axmed Siilaanyo Saaxiibadii oo dhan ayuu uga go’ay , in badan ayuu Taageeray Maanta waa in musharax nimada Muuse looga hadhaa oo aan lagu qabsan.
London (Hubaal)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Silaanyo iyo taageerayaashiisaba ugu baaqay in ay uga hadhaan musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi , waxa kale oo uu sheegay in uu soo dhawaynayo isla markaana uu ku hanbalyaynayo Muj.Muuse Biixi hankiisa, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews iyo waliba SalaanMedia.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay in uu Muuse Biixi Siilaanyo abaal badan ugalay, waxana uu tilmaamay taageerada uu Siilaanyo taageerayay in uu kaga go’ay ragbadan oo ay Saxiibo ahaayeen, waxana uu intaa raaciyay in xitaa isaga waa Faysal Cali Waraabe in uu Siilaanyo oo uu aqoon fiican u lahaa uu ka raacay Siilaanyo dhisay .
Waxa kale oo uu iyana si mugleh uga hadlay isla markaana uu dhaliilay Siyaasadda arimaha dabada ee xukuumadda Siilaanyo,waxana uu sheegay in ay Eber tahay siyaasadda arimaha dabada ee Somaliland, isaga oo sheegay in ay si weyn hoos ugu dhacday oo ay aad uga hoosayso Xiligii xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin.
Mar lawaydiiyay bal sida uu u arko,Xukhudbadii Madaxweynaha ayaa waxaa uu iyana sheegay in ay faan uu madaxweyne Siilaanyo warqad ka akhriyay , waxana uu intaa ku daray in Siilaanyo iyo Xukuumadiisababa ay taariikhdu qori doonto, waxana uu hoosta ka xariiqay Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta caasimadda Somaliland ee Hargaysa, waxana uu sheegay in aanu arimahaas oo dhan aanu Khudbadiisa ku soo qadan kana hadal.
Ugu danbayntii waxa iska soo daba dhacaya taageerada ay Xisbiyada Mucaaradku u fidinayaan Muj.Muuse Biixi Cabdi iyada oo aynu horena u ogayn in siweyn u hanbalyeeyeen Xisbiga Mucaraadka ah ee Wadani ayuu gudoomiyaha Xisbiga Ucidna aad u soo dhaweeyay ,taas oo ay dadku siyaabo kala duwan u arkeen isla markaana cabsi ku riday taageerayaasha Siilaanyo.