Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee XIsbiga Kulmiye oo Shalay qabsoomi lahaa, oo dib u dhacay, waxaanu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu dib u dhigay. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa Jaamac
Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel),oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay Weftiga Urur Goboleedka IGAD ee dalka yimid, waxaanu sheegay in Weftigani ay dhiirigelinayaan sidii Doorashooyinku u dhici lahaayeen, ugu horeyna waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu ku beegnaa inuu qabsoomo Maanta laakiin dib u dhac ayaa ku yimid , oo waxa dib u riday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, sababo jira awgood, ayaanu dib ugu riday,wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo Shirka Golaha Dhexe isaga ayaa sheegi kara”.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey Weftigii Urur Goboleedka IGAD ee dalka yimid ayaa yidhi “Weftigii Urur Goboleedka IGAD ee dalkeena yimid, waxa ay u yimadeen hawlaha Doorashada, waxayna dhiirigelinayaan inay Doorashooyinka dalka ka dhacaya ay qabsoomaan”.