Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Khilaaka Wakiilada, Xukuumadana Ka Difaacay Eedaymo

0
21

Hargeysa (Hubaal)-Masuuliyiinta sare ee Xsbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan golaha Wakiilada ee uu sababay xeerka Diiwaangelinta ee ay ansixiyeen Xildhibaanadii laba u kala jabiyey, waxayna sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiiga Waddani uu qirtay khaladkiisi isla markaana uu dib u saxay qodobo ku jiray Xeerka diwaangalinta oo hore si khaldan Xafiiskiisa uga baxay.

 dhoobo

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel oo Shalay Shir jara’iid, ugu horayn Muuse Biixi oo isagu halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Crro oo uu sheegay inuu aad uga mahadnaqayo khaladkiisa uu sheegay inuu qirtay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladu ay aflaago ay u soo jeediyeen Xukuumadda iyo Xisbigeedaba isla markaana ay ku deg degeen aflagaadaas, waxaanu sidoo kale tilmaamay in Labada Xisbi Mucaarad ay yihiin layli, isla markaana Xisbiga Kulmiye uu yahay Xisbi wax badan u soo dulqaatay markii uu ahaa Mucaaradka waxaanu hadalkiisi ku bilaabay

“Bariyahan dambe waxa jiray khilaaf ka dhex socday Golaha Wakiilada, Aduunka oo dhana haddii aad aragto, Barlamaanku waa meel lagu doodo, oo mar kasta muran ka taagan yahay, oo haddii aan maalin walba doodu socon oo danta Qaranka la isku hirdiyeynin Barlamaankaasi uu dhintay, meel lagu aamusan yahayna Barlamaan maaha, waana in had iyo jeer rayigu iska hor yimaado, haddii aanu anagu nahay Xisbiga Kulmiye mudadaas oo dhan waanu ka aamusnayn, sababta aanu uga aamusnayna Golaha Barlamaanku uu naga madax banan yahay, waana Gole Qaran, Xisbiyhada oo dhan ayaa doortay, halkaas ayuu iskugu yimid, waa la dhaariyey, Xubnahaasina waxa ay u dhaarsan yihiin in danta Qaranka ka hadlaan, Xisbi ahaan waanu la talin karnaa, oo Xisbi walba uu la tashan karaa, laakiin duul duul badan ayaa naga soo gaadhay qeybo ka mid ah Barlamaanka, Xisbi ahaan, Xukuumad ahaan iyo Ashqaas ahaanba aad ayey wax u aflagaadeeyeen, laakiin haddii aanu nahay Xisbigii xilka hayey xaq ayaanu u leenahay in aanu dulqaadano, oo aanu tuurtuurka iyo xag-xagashada aanu ogolaano, gobonimada ayaa caynkaas ah, anagu ma nihin Xisbi layliya oo Saaxada Siyaasada ku cusub”.

Muuse Biixi ayaa isaga oo ka hadlay khalad uu qiray Guddoomiyaha Xisbiga Wakiilada ayaa yidhi “Waxa Maanta illaahay mahadii ah in Murankaasi soo ururay oo Guddoomiyihii Barlamaanka, ahna Guddoomiyaha Waddani, in khaladkii uu galay ee ka baxay Xafiiskiisa uu saxay, sida Jara’iidada qaarkooda qoreen, ama la hubaba, in Guddoomiyuhu qodobadii la isku haystay, ee khaladka ahaa uu saxay, oo inta badan Rag Barlamaanka ka mid ahi ay ka dhego adaygeen, oo gardaro iyo aflagaado badan ay ku dareen, waanu soo dhaweynaynaa, waxa aanu u aragnaa talaabo loo qaaday dhinicii hagaagsanaa, waa inta aanu dheernahay dad badan, waa sida ay Somaliland ku soo caano maashay, in marka ay is qabato in qofka khaladkiisa farta loo saaro inuu qaato ceeb maaha waa sharaf, marka waxa aan u arkaa cadadeenii iyo sida aynu waxa u wadi jirnay, waanu ku bogaadinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani inuu khaladkiisa saxo, waxayna ila tahay in hawshaas Murankeedii inaga hadhay”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayey Xisbigiiisa iyo waxa lagu xanto ayaa yidhi “Inta badan qolada na eedaysa ee Waddani u badani waxa ay na yidhaadaan, Kulmiye waxaas ayuu sameeyn jiray dulqaad muu lahayn, Shalay (Doraad), ayaanu Nin waaya-aragii Kulmiye ahaa ayaanu shalay meel isku aragnay, waxa uu yidhi marka la leeyahay Kulmiye dulqaad muu lahayn maad ilawdeen waxaad qabateen, waxaan ku idhi maanu iloowin ee waanu dulqaadaynaa, Kulmiye saddex talaabo oo uu qaado Xisbiyada Mucaaradku ha soo gaadhaan, markaas ayey nala murmiye. Kulmiye siddeetan cod ayaa lagaga helay, Nabadgeliyada dalka ayuu ka doortay uuna ka dhaqaaqay, 2008 ayaa la kordihyey si adag ayaanu uga doodnay, dhag ayaa jalaq naloo siin waayey, balse waanu aqbalnay, Rasaas ayaa nalagla daalay, oo waliba Rag ayaa ku faanay, Guddoomiye, Guddi fulineed anaga oo isku dhan juuq lagama maqal, Golaha Barlamaanka ayaa la xidhay, Laba inamadood oo labaatan jiro ah ayaa lagu dilay, Todobana waa lagu dhaawacay, juuq maanu dhihin, danta Qaranka ayaa ka weyn ayaanu nidhi haddana 2009 ayaa la kordhiyey, Kulmiye oo dhan oo Guddoomiyihii oo Maanta Madaxweyne ah iyo Aniga, siganay oo todoba iyo toban cisho ayaanu Madaxtooyada kula shiraynay Daahir Rayaale

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigaas Jaamac Shabeel, waxayna sheegeen in khilaafkii ka taagnaa Golaha Wakiilada uu dhammaaday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here