Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay ka soo dagay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport ee magaaada Hargeysa, ka dib socdaal uu muddo bil ah ugu maqnaa dalalka Brazil iyo Ingiriiska ayaa ka hadlay sida uu u arko Musharanimadii Madaxweyne uu Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uga tanaasalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay arintaasi ay tahay arin siyaasiya oo ku kooban Muuse Biixi,isaga oo sida oo kalena tibaaxay sidii uu markii horeba uu doonayey ay ahayd sidii khilaafkaasi Xisbiga KULMIYE soo kala dhex galay xal loogu heli lahaa.
Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu markii uu soo dagay ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal Intenational Airport,waxaana uu sheegay in hadana uu ku tala jiro sidii uu uga qayb qaadan lahaa soo gunaanadka waxii hadhay ee heshiiska lagaadhay ka qabyada ah. “Arrinta Muuse Biixi iyo Musharaxnimadiisa iyo go’aankan danbe ee uu imika qaatayba waxaan filayaa waa go’aamo shakhsiya, Muusena waa nin Siyaasiya oo Xisbiga gudoomiye ka ah markaas arrintaasi maaha arrin anigga wax layga waydiin karro ee waa arrin Muuse u taala, hase yeeshee doorka aan anigu ku lahaa waxa weeye in aan khilaafka Xisbiga KULMIYE ka dhex jiray in la dhameeyo oo si nabadgalyo ah oo odynimo ah lagu dhameeyo ta aan danaynaayeyna taas ayaa ay ahayd tii aan anigu soo jeediyeyna taas ayaa ay ahayd,waxaanan imika aan aad ugu farax sanahay in imika uu khilaafku halkii hore uu ka soo durkay oo uu ka soo dhawaaday oo heshiisyo fara badan iyo wada halo ay socdaan qaarna ay dhamaadeenba, waxaanan jecelahay in aan kaga qayb gallo sidii si wanaagsan loogu soo gunaanadi lahaa uu si wanaagsan u soo dhamaan lahaa”Ayuu yidhi Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay u jeedada socdaalka uu ku tagay dalka Brazil isaga oo tilmaamay in kooxda Kubada Cagta aduunka maamusha ee FIFA ay ku soo marti qaaday isaga iyo dad kale oo fara ku tiris ah oo ka socday qaarada Afrika in ay ka soo qayb galaan Furitaanka Koobka Aduunka ee ka Socda dalka Brazil.
Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaa uu sidda oo kale uu tibaaxay in uu ku talo jiro sidii uu hankiisa siyaasadeed uu uga gaadhi lahaa kurrsiga dalka ugu sareeya uuna hadda uu u soo noqday sidii uu u waddi lahaa hawlihiisa dhinaca siyaasada ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa hore waxaa uu xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo hore u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibada Somaliland, sida oo kalena soo qabtay Xilka Wasiirnimo ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland oo ah Xilkii ugu danbeeyay ee uu ka qabto Xukuumada Siilaanyo isaga oo sida oo kalena u aaneeyay Xil ka qaadistiisan in ay sahayatay Khilaafkii soo kala dhex galay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumada Siilaanyo oo uu la safnaa garabka uu hogaaminaayo Muuse Biixi Cabdi.