Muuse Biixi Oo Bogaadin Iyo Dhiirigelin Isu Daray Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, Qalab Isboortinna Ugu Deeqay 8 Naadi Oo Kubbeda Cagta ah

0
29

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu Ka Qayb-galay Daawashada  Tartan Ciyaareed Gegida X. Daahir Stadium Uga furmay Naadiyada  Kubbedda Cagta Heerka 1aad Iyo 2aad Ee Boorama Ka Dhisan

Hargeysa (Hubaal)- Hoggaanka sarre e Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa agab ciyaaraha ah guddoonsiiyey kooxo kubadda cagta ah oo ka tirsan kooxaha ka dhisan caasimadda gobolka Awdal ee Borama, kuwaas oo tartanka bisha Ramadaan uga socdo garoonka Xaaji Daahir Stadium. Munaasibada agabkan lagu guddoonsiinayey 8-kooxood oo iskugu jira heerarka koowaad iyo labaad oo ka dhisan magaaladda Borama, ayaa lagu qabtay gegida kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium, waxaana halkaas hadallo dhiirri-gelin ah ka jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa koowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, waxaana daawashadda ciyaartani ka soo qeyb-galay boqolaal dadweyne ah. ciyartoySiddeedda kooxood ee agabka ciyaaraha la guddoonsiiyey, ayaa ka mid ahaa kooxaha ka qeyb-qaadanaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan ka socda garoonka weyn ee Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Borama, waxana dhallinyaradii agabkaas la guddoonsiiyey wajiyadooda ka muuqatay farxad la xidhiidha agabka ay heleen.  Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa dhallinyarada ku dhiiri-geliyey inay ku dedaalaan ciyaaraha kala duwan ee ay ku jiraan, waxaana uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu haatan fuliyey ballan uu hore u qaaday oo ahayd inuu dhallinyarada siin doono agab ciyaareed, “Aad baan u hambalyeynayaa ciyaartoyda gobolka Awdal, sanadka soo socdana waxan rajaynayaa in garoonka la dhigi doono dooggii macmalka ahaa, dalkii Somaliya la odhan jireyna waxa ugu sarrayn jirey ciyaartoyda reer Somaliland, reer Boramana waxan ku dhiirrigelinayaa inay kor u qaadaan hannaanka ciyaaraha, ujeeddadayaduna waa inaanu fulino ballantii ahayd inaanu halkan ku bixino agabkii ciyaaraha ee kooxuhu kaga qaybgelayeen tartanka bisha barakaysan eer Ramadaanta.” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda ka Hadlay, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu da’yarta reer Borama kala qeyb-galo munaasibadda ay agabkaas ku guddoomayeen, waxaana uu wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta wasaaraddaba uu ku boggaadiyey dedaalka iyo wax-qabadkooda muuqda ee ay dhallinyarada heeganka ugu yihiin, sidoo kalena waxaa uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka dheeraadaan belwadaha ragaadin kara mustaqbalkooda, waxana uu yidhi, “Farxad weyn bay ii tahay inaan maanta dhallinyarada ku ciyaaraysa garoonka Xaaji Daahir kala qaybgalo ciyaaraha, aad baan dhallinyarada ugu hambalyeynayaa ciyaaraha ay ku jiraan, kuwooda aan ciyaaraha ka qaybgelin ee laga yaabo inay wakhtiga ku lumiyaan qaad iyo wax aan micno lahayna inay ka waaniyaan. Waxaan jeclahay inaan halkan ka boggaadiyo wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo masuuliyiintoodu halkan joogto, way ku ammaanan yihiin dedaalka joogtadda ee ay ugu jiraan in dhallinyarada iyo ciyaaruhu ay horumaraan. Waxaan kale oo aan da’yarta ku dhiiri-gelinayaa inay noocyada kale ee ciyaaraha ku dedaalaan waayo Soomaalidu jinsi ahaan way ku fiican tahay ciyaaraha.” Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in xisbiga KULMIYE ay ka go’an tahay inuu bulshadiisa wax u qabto, isla markaana uu qeybtiisa ka qaato tallaabo kasta oo horumarka bulshadda la xidhiidha. Ugu dambeyntii, guddoomiye Muuse Biixi iyo wasiirka Ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane waxa ay si wada-jir ah u dhagax dhigeen Roogga macmalka ah oo dhawaan la dhigi doono garoonka Xaaji Daahir ee magaalada Borama, taas oo dhallinyaradii halkaas ku sugnaynda ay si weyn ugu riyaaqeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here