Hargeysa(Hubaal) -Gudomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Mujaahid:Muuse Biixi Cabdi yaa Musharaxnimadiisii Madaxweynenimo uga tanaasulay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Muuse Biixi Cabdi balse War-saxaafadeed goor dhawayd ay soo sareen ganacsato Beesha Muuse Biixi Ka Soo jeeda kuwaasi oo qasriga madaxtooyada Isku Horfadhiisiyey labadan masuul ayaa lagu sheegay in Gudomiye Muuse Bixi lugu qanciyay In uu jagada murashaxnimo uga tanaasulo Madaxweyne Silaanyo. Ganacsatada Ayaa waxaa ay sida oo kale warsaxafadeedka Ay soo saareen ku xuseen in Muuse Biixi Cabdi uu si rasmi ah u aqbalay soo jeedintaasi ahayd in Madaxweyne Silaanyo in uu ahaado murashaxa jagadda Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE. War-Saxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi uu na soo gaadhay ayaa waxaaa uu udhignaa sida tan: War-saxaafadeedkaaso dhamaystiranina waakan “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shanta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa (Xalay) Magacyada Ganacsatada Beesha Muuse Biixi ”Sacad Muuse”. Maxamed Aw Siciid Geeddi. Jaamac Oomar. Rashiid Ibraahim Ciise. Maxamed Xuseen Axmed. War rasmi ah lagama Hayo Garabka Mujaahid Biixi Ee Kulmiye mana cadda bedelka hankii murashax madaxweyne nimo oo xukumadu Siin Doonto
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Muuse Biixi Oo Damaciisii Musharanimo Uga Tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo+Hankii Ay Taageera-yaashiisu U...