“Illaa Maalintii La I Magacaabay Illaa Maanta Talo Uun Baa La I Siinayaa Oo Waxoogaa Baqdin Ah Baa Burco La Iiga Sheegayaa Oo Waxaa La I Leeyahay…..”
Hargeysa (Hubaal)- Xaflad lagu soo dhawaynayo isla markaana lagu muunaynayo baadhasaabadii iyo masuuliyiintii cusbayd ee dhawaan uu madaxweyne axmed siilaanyo u magacaabay gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa shalay lagu qabtay hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Hadhimo sharafeed ay kasoo qayb galeen masuuliiyiinta sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo musharraxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka Muuse Biixi Cabdi, hogaanka sare ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo uu hor kacayo maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagoweyne), xubnaha la magacaabay iyo martisharaf kale oo tiro badan ayaa maalintii shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor.
Qado sharaftan oo uu sameeyey ama casuumadeeda lahaa baadhasaabka gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare waxaa kale oo ka soo qayb gale xubno ka mid ah golaha guurtida Somaliland, siyaasiyiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga talada Haya.
Baadhasaabka gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamuud Jeeni yare oo madashaasi ka hadlay ayaa waxaa hadallladiisii ka mid ahaa ‘waxaa sharaf weyn noo ah in aniga oo ka wakiil ah xildhibaannadii golaha deegaanka Caasimadda Hargeya aad maanta maanta naga aqbashaan casuumadan aan u samaynay hoggaanka sare ee xisbiga kulmiye, xildhibaannadii golaha deegaanka, baadhasaabbadii cusbaa ee dhawaan madaxweynuhu magacaabay iyo ku xigeennadadoodii, cuqaashii, wasiirradii xukuumadda iyo marti sharafta kaleba.” Sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Hargeysa Maxamed Maxamuud Jeenniyare. Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay baadhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, “aad baan ugu mahad naqayaa guddoomiyaha waxaana aan aad iyo aad u soo dhawaynayaa qolaha kale ee ila cusub ee guddoomiyeyaasha gobollada ah iyo wixii kale ee xilalka loo magacaabay” sidaa ayuu yidhi Mr. Qabo, waxaana uu intaa ku daray “ Waxaad moodaa in anigu aan ka yara duwanahay masuuliyiinta kale ee la magacaabay oo waxoogaa baqdin ah baa la iiga sheegayaa Burco oo waxaa la leeyahay Bari iyo galbeed iska ilaali. Illaa maanta illaa maalintii la imagacaabayna talo uun baa la I siinayaa” ayuu hadlakiisa ku ladhay baadhasaabka cusub ee Togdheer.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo isna halkkaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyey masuuliyiinta uu madaxweynuhu magacaabay waxaana uu yidhi “ waxaan hambalyaynayaa cidii xil loo magacaabay, baadhasaabbada, maareeyeyaasha iyo masuuliyiinta kaleba waan hambalyaynayaa waanan u ducaynayaa in illaahay xilkaas ku asturo. Waxaanan u leeyahay dardaaran oo waa sanad kaambayn oo hawl badan baa idinku soo beegmaysa markaa sida xeerku idin farayo danta qarankuna idin farayso sadexda xisbiba dhex baad u tihiin markay tahay doorashada waayo idinkaa u wada baadhasaabbo ah , xisbi walba ha dulmiyinna wixii uu la yimaado ee mid kastaaba wixii uu weelkiisa ku soo shubto kasoo saara” ayuu yidhi guddoomiyaha KULMIYE.
Gebogabadii waxaa isna madasha ka hadlay ku simaha maayarka caasimadda Hargeysa ahna maayar ku xigeenka caasimadda Md. Cabdicasiis Maxamed xAashi (Cagoweyne)