Muuse Biixi Oo Difaacay Shakhsiyadda Wasiirkii Hore Ee Khaarijiga Iyo Afhayeenka Madaxweynaha Oo Dhengad U Noqday Wasiirka Madaxtooyada

0
37

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa siyaabo kala duwan oo kaaf iyo kala dheeri ah uga hadlay shakhsiyadda wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibada Somaliland MAxamed Cabdillaahi Cumar.  Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay sida uu arko eedaymaha loo jeedinayo wasiirkii hore ee arrimaha dibada waxa uu soo jeediyey in laga daayo cambaaraynta isaga oo ahaa masuul muddadii uu xilka hayay shaqo weyn u hayay qaranka oo uu mudan yahay in lagu ammaano, hase yeeshee  Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si ka baxsan milagaha shaqada uu hayo u dhaliilay wasiirkii hore.   maxamed claahi cumar, xirsi, dhuxulMr. Dhuxul ayaa   door biday inuu wasiirka madaxtooyada gaashaan uga  noqdo   eedo kaga yimi dhinaca wasiir xukuumadda ay hore uga wada tirsanayeen.  Md Dhuxul oo shalay qaar kamid ah warbaahinta kula hadlayey Xarunta Madaxtooyada, ayaa si badheedh ah uga tallaabay shaqadiisa afhayeennimada madaxtooyada, waxana uu u holladay inuu eedo dusha ka saaro wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi cumar oo warbaahinta kaga hadlay arrimo warbaahintu ka qoraysay.  Dhuxul waxa uu si cad oo ka baxsan hanaanka shaqada uu qaranka ugu hayo ugu xuubsiibtay afhayeenka wasiirka madaxtooyada, waxana uu jawaab uu Wasiirkii hore ee arrimaha dibaddu siiyey Wasiir Xirsi ku tilmaamay mid lala degdegay oo aan lala sugin wakhtigii ay ku haboonayd. “Maxamed Cadbilaahi wuu degdegay inuu sugaa bay ahayd bal sida u xirsi arrintaas uga jawaabo, laakiin eedayn aad iyo aad u xun oo waliba aflegaaddo u badan ayuu xirsi oo difaacay ku qaaday.”ayuu yidhi Mudane dhuxul oo difaacayey wasiirka Madaxtooyada somaliland.  Waxa haddaba la isweydiinayaa goorta uu Afhayeenkii madaxweynuhu noqday afhayeenka Wasiir Xirsi, iyadoo markhaati laga yahay Jawaabta uu ku difaacayo wasiir Nool oo shaqadiisii si toos ah ugu dhexjira, isla-markaana ay isaga utaallay inuu iska difaaco eedaha dusha laga saaray.  Afhayeen dhuxul, ayaa waxa uu shalay difaacay wasiir fadhiya xafiis goobta uu ka hadlayey aan ka fogayn saddex tallaabo, waxana uu indhaha ka qarsaday Su’aal saxaafaddu ka weydiisay sababta uu u difaacayey wasiir agtiisa fadhiya.  Axmed Saleebaan dhuxul oo isagu muddooyinkii ugu dambeeyey fadeexado iyo ceebo usoo jiiday Shaqada uu qaranka u hayo, isla-markaana dhawaan ku kacay tallaabo halis gelisay shaqadiisa oo ahayd inuu si foolxun saxaafadda uga hor istaagay madaxweynaha qaranka oo ay su’aalo diyaar u la ahaayeen, ayaa wali sii wata tallaabooyinka dilaya sumcadda iyo milgaha shaqada afheennimada madaxweynaha ee uu qaranka u hayo. Afhayeen Dhuxul oo sii wata difaacidda iyo Wasiirka Madaxtooyada iyo eedaynta Wasiirkii hore ee Somaliland arrimaha dibadda u qaabilsanaa, ayaa waxa uu yidhi,“Inaad Hubsatay ahayd, nin weynoo hadal ka dhacayna waa geed qolofi ka dhacday, xirsi-na waxa uu qaranka u guday iyo waxa uu u qabtay iyo kaalinta uu kaga jiro shacabka somaliland way ogyihiin.”  Dhuxul oo muddooyinkan ugu dambeeyey daalaa-dhiciisu aad u batay, ayaan la ganayn halka ay xaaladdiisu ku dambayn doonto, iyadoo ay soo kordhayaan wararka su’aasha gelinaya inay sii socon doonto shaqada uu haatan qaranka ugu magacaaban yahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here