Muuse Biixi Oo Fallaadh Siyaasadeed Oo Sumaysan WADDANI Ku Ganay, Go’aankii Labada Gole Ku Meel mariyeen Saldhigga Militeri-na Taageeray

0
80

 “WADDANI-na waxan leeyahay waad garanaysaan halka ay majooratigii mareen, madaxweynaha maanta ee dalkuna ma aha nin lagu tuhmayo inuu dhibaato dalka u horseedo”

“Marka la codeeyo ee talada la qaato ninka ka daba hadlaa waa fidmo-wade aan doonayn in hore loo socdo….”Muuse Biixi

 muuse biixi

Gabiley:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay go’aankii ay dhawaan labada gole ee guurtida iyo Baarlamaanku ku meel mariyeen mariyeen inay xukuumaddu dalka Imaaraadka Carabta la gasho heshiis ay saldhig militeri kaga samaysanayaan dekedda Berbera, waxana uu si weyn usoo dhaweeyey go’aankaas, isaga oo dadka dhaliilayana digniin adag u diray.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta meel fagaare ah kala hadlay shacabka reer Gabiley, ayaa waxa uu si cad u sheegay inuu xisbiga KULMIYE si buuxda u taageersan yahay go’aankaas, isla markaana uu go’aankaasi yahay mid dalka loogu hilaadinayo hilan toosan oo horumar lagu gaadhayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“xisbiga KULMIYE waxa uu garab taagan yahay hoggaankiisa aasaasay xisbigan oo madaxweynihii dalkan ah oo halyeygii SNM ahi guulaha waaweyn iyo mashaariicda uu dalka hore ugu marinayo ayuu xisbigu garab taagan yahay, kuwaas oo ay ugu dambaysay mashruucii saldhigga Berbera oo dad badani ka qayliyeen.”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay inuu madaxweyne Siilaanyo go’aankaas u talo badsaday, isla markaana uu horgeeyey labada gole ee guurtida iyo wakiillada, si uu u bayaamiyo xalaalnimada heshiiskaas,“madaxweynuhu iyada oo distoorku awood u siiyey inuu heshiis soo galo, kadibna uu goleyaasha ka ansixiyo waxa uu ka door biday isaga oo talo-wadaagga iyo tixgelinta dadkisa eegaya inuu qodobadii uu heshiiska kula geli lahaa dawladdaas aynu heshiiska gelayno inuu qoddobadii oo aanu weli saxeexin ayuu labada gole soo hordhigay, taasina waa waayeelnimo iyo dimuqraadiyad waxana uu yidhi ka taliya oo wixii xunna ka saara wixii wanaagsanna igu raaca, horena looma arag madaxweyne awooddiisa u gudbiya sidaas oo kale”ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu intaas ku daray,“labadii gole waxa ay ku ansixiyeen 144-cod, mashruucaasina waxa uu noqday mid la isku raacay oo intii qaranka metelaysay ee saddexdii gole ee guurtida, wakiillada iyo kii dawladduba isku raaceen oo  horumarka dan u ahaa, caalamkana sida dimuqraaddiyadda lagaga dhaqmo marka hore fikradda timaadda waa laga tashadaa, marka la codeeyo ee talada la qaatona ninka ka daba hadlaa waa fidmo-wade aan doonayn in hore loo socdo.”

Isaga oo sharraxaya awoodda iyo heerka meeqaamka uu lahaa fadhigaasi lahaa, ayuu xusay inay fadhiyeen madasha inta  madaxdii dalka ugu sarraysay oo aanay jirin cid ka maqnayd, taasina ay marag u tahay sida uu madaxweynuhu ugu dedaalay dabbaqista sharciga iyo xeerarka dalka,“labada gole labadoodii guddoomiye ayaa fadhiyey, saddexdii madaxda ahaa ee hab-maamuuska distoorka lahaa oo kala ah madaxweynaha, guddoomiyaha guurtida iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa meesha fadhiyey, labadii gole oo yeedhistooda distoorku ogol yahay in wakhtiyo cayiman loo yeedhaana meeshay fadhiyeen iyaga oo boqol iyo dhawr iyo toddobaatan ahi”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhaliilay dadka naqdiyey heshiiskaas, xillli sharciga la waafajiyey, isaga oo intaas ku daray in xisbiga KULMIYE la dhacsan yahay go’aankaas, waxana uu yidhi,“waan soo dhaweynayaa go’aankaa ay labada gole gaadheen, dadka warbaahinta ka hadlona waxanu leenahay marka arrinku dhammaado ka daba taggiisu sax ma aha, haddii aynu KULMIYE nahayna waxa inoo ballan ah oo aynu ku  wada soconaa horumarinta dalkeena Bari ilaa Galbeed iyo inaynu wax wada lahaanno  oo is aaminno.”

Isaga oo farriin cad u diray guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha WADDANI, waxana uu ayaandarro ku tilmaamay go’aankii uu golaha kaga baxay, isla markaana uu kaga soo horjeestay go’aankii aqlabiyadda labada gole isku raaceen,“waxa nasiib-darro ah oo aan caalamka hore loogu arag guddoomiye Baarlamaan oo baarlamaankiisii uu hoggaaminayey marka ay codkii isku raacaan majooratigoodu ka baxaa caalamka waa kow, dimuqraaddiyaddana meel ka dhac ayey ku ahayd, mana aha siyaasad hufan oo ilbax ahe guddoomiyaha Baarlamaanka, afarta ka baxay fadhiga iyo inta ka daba qaylinaysa ee xisbigiisu ma waxa ay garan la’yihiin inuu distoorku qorayo halka majooritigu maro in la raacayo”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi waxa uu sheegay inaan madaxweyne Siilaanyo looga baqo qabin inuu dalka wax aan u dan ahayn ku dhaqaaqo, isaga oo WADDANI-na uga digay inay ka hor yimaadaan wixii ay goleyaashu isku raaceen, waxana uu yidhi,“sidee bay ku dhici kartaa in ninkii hab-maamuuska saddexaad ee dalka ahi inuu distoorka ka hor yimaaddo oo uu fagaare intaasi fadhiday  ee uu hoggaaminayey ka dhaqaaqo, sidee buuse xisbigaas dhammi ugu badheedhayaa inuu ku gefo oo uu yidhaahdo haddii taydii la yeeli waayey waxba kama jiraan oo halkii aan doonaan ka qaylinayaa, taasina ma aha sidii uu qaranku ku heshiiyey iyo distoorkii, WADDANI-na waxan leeyahay waad garanaysaan halka ay majooratigii mareen, madaxweynaha maanta ee dalkuna ma aha nin lagu tuhmayo inuu dhibaato dalka u horseedo, naftiisana dalka wuu u huray.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay in saraakiisha sarsare ee xisbiga WADDANI katirsan oo muddo dheer dagaal qadhaadh kula jirey qaranimada Somaliland ay maantana madaxweynaha ceebaynayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ragga maanta Siilaanyo taas ku caayayaa miyaanay ahayn raggii 20-ka sano Somaliland meel walba kusoo gawracayey ee meel walba kaga soo horjeeday, raggaas labaatanka sano Somaliland kasoo horjeeday ee  gole walba soo joogay inay maanta yidhaadaan waxaas iyo waxaas baa dhacay taas ka dhegaysan mayno.”

Ugu dambayntii waxa uu guddoomiyuhu uga digay masuul katirsan maamulka Muqdisho oo dhawaan ka hadlay saldhigga militeri ee Imaaraadka Berbera ka dhisanayo, waxana uu tilmaamay inay Somaliland arrimaheeda u madax bannaan tahay oo aanay cid kale go’aamadeeda u daba fadhiisanaynin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here