Hadaba, Madaxweynahaasi aan waxba gacanta ku hayn ee isaga naftiisa la maamulo ayaa afar sano oo dambe u xadhko xidhan Madaxweyne Siilaanyo oo aan wax tala ah gacanta ku hayn oo la og yahay inaanu
xiitaa u jawaabi karin Maamul Gobaleedka Buntland & Cadawga kale ee Khaatumo oo Wadankii dhamaa ku jiro khalkhal siyaasadeed oo Gudaha & Debedaba ah oo ay Xududihii aynu Wadamada jaarka la ahayn wada xidhan yihiin, oo Dawladihii waaweynaa ee Ingiriiska ka mid ah , EU,USA, aynaan wax xidhiidh ah oo inaga dhexeeya aanu jirin oo Maamul goboladayadu ay Caalamka inagaga fiicnaadeen, ayaa hadana wax la yaab shacabka S/Land & Fajac ku noqotay Madaxweyne aan dalka qancin karin oo aan cadawga
u jawaabi karin oo aan shicibka la hadli karin, ee marka xeedho & fandhaal kala dhacaan uu wareegto Habeen badha in warbaahinta laga maqlo Madaxtooyada ka soo baxday, oo
shaki weyn Dadweynaha ku abuurto, waayo maxuu warbaahinta hadh cad uula hadli waayey
oo cajaladii laga soo duubay ay daliil cad u ahayd, oo ay qoyskiisu & inanka uu sodoga u
yahay ay iyagu & Wasiirada uu adeerka u yahay ay afkiisa & Wareegtooyinka ay soo hurg
Hadaba, Madaxweynahaasi aan waxba gacanta ku hayn ee isaga naftiisa la maamulo ayaa
afar sano oo dambe u xadhko xidhan markaasi way iska cadahay in Qoyskiisu boqortooyo oo
raba in aanay kursiga ka degin ee xoolaha umada ku sii boobaan, Siilaanyo & Qoyskiisu waxay
noqdeen Boqortooyo, Muuse Biixina gacantiisa ayuu isku gowracay, kol hadannu naftiisa ku
kalsoonayn muxuu wixii oo sawaxan ahaa uu shicibka u geliyey, waayo Siilaanyo arintiisii
hal bacaad lagu lisay kama dhigeen ee waxa laga yaabaa inu muste yar ku qaatay oo uu mag-
aciisii dhamaa ku baabi,iyey.
Ta kale, Siilaanyo qoysatee yaa kuu xiiri Xisbigii Kulmiye burburkiisii haduu bilaabmay waana
laga wada baxayaa oo nabsigii uu umada ku yahay ayaa dilaacaya markaa bal hala eego cida
uu Siilaanyo uu laaluusha & Xoolahii umada uu ku muuquniyo ee iigu codeeya.
Markaa Siilaanyoow adigoon Dadlkaba maamulin maxaad mar kale madax ku doonaysaa
Siilaanyoow Xoolo Xaaraan ahi Xafiis Ku Fadhiisin Maayaan
Siilaanyoow Xirsi & Xaaskaagu Xilkaaga Miyeey Maamuli Karaan
Siilaanyoow Moorgan oo Xidid ku noola Maxaad Xafiiskaaga Ugu Dhiibtay
Siilaanyoow Xoolihii Umada Laaluush Baad Ku Xaabisaa
Siilaanyoow Dawladihii Aduunku Sow Kuwaa Daaqadaha Ka Booday
Siilaanyoow Xudidihii Dalkeena Sowtaa Quful Lagu Wada Daguugay
Siilaanyoow Sowtaa Cadawgii Hareeruhu Cududoodii Muujiyey
Siilaanyoow Kursi Maqaar Saar ahi Magacaagii buu Dilay
Siilaanyoow adigoon Maamulkaba Gacanta Ku Hayn Mar kale i Muquusha hays odhan
Siilaanyoow Da,iyo & Daalbaad la asqawdee Daai,inkaa Maad Ka Cabsootid
Siilnnyoow Boqortooyo ayaad Bilowgeedii joogtaaye Bilaa Caleeg Iska Dhaaf
Siilaanyoow Bal Halkuu Biyo Dhigaagu Noqdo & Bilaha Soo Socda Yeynu Dhawri
Siilaanyoow Boqorku Waa Ku Arkaaye Boqotooyo Hays qorin
Siilaanyoow Xilkaba Ma Hayside Ma Xaaskaaga ayaad Xoola kale u dooni
Siilaanyoow Rabigaa Xusuusnoow oo Xisaabtii Dambana eeg
Siilaanyoow Xilkii loogu dhiibay Xumaantaasi ku dhawr
Siilaanyoow Maanta Xoogna Ma Haysid Xusuustiina Ma Haysid ee Rabigaa Ka Xishood
Asha Jama <ashaa.j@live.nl>