Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Khuseeya Siyaasada Somaliland iyo KULMIYE

0
32

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi karto, eedaha uu xisbiga Waddani xukuumadda u jeediyo iyo arrimo kale.

Guddoomiye Biixi, wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay agaasimaha shabakadda Hadhwanaag weriye Najax Aaden Cunaaye.

Guddoomiye Muuse Biixi, oo la weydiiyay bal inay KULMIYE ahaan xukuumadda soo fadhiisiyaan oo ay wax ka weydiiyaan waxyaabaha ka hirgalay buugoodii cagaarnaa ee ay ololaha ku galeen, waxaanu yidhi “kulmiye waxa lagu yaqaanay oo la yidhi isaga ayaa isku filan, anaga ayaa dhaliil, is wareysi iyo is canaanasho ugu filan, Buuggii wuu qoran yahay, wixii aanu ku hawl-galnay in badan waanu ka fulinay, in badana wey ka dhiman yihiin,Adduunyadu waa Sagaal oo Toban ma noqoto, waxa aan qaba in aanu wax badan qabanay, dhaliilana dhiman tahay, mana lihin dhaliil ma lihin, ee isku qiyaasa inta aanu qabanay iyo dhaliisha, waxa aan qaba in aanu in badan qabanay, Buugii Cagaarnana waanu hayna, beri ayey dalka Doorasho ka dhacaysaa, dadka waanu hor imanaynaa, awoodii dadka ee wax dooran jiray ayaanu hor imanaynaa, waxa aan qaba in wax aanu la hor nimaadno aanu hayno, canaanta iyo wixii dhimana aanu diidanayn, bila’aadan ayaanu nahay waxa laga yabaa in aanu wax khaladno, waa laga yaaba arinkayga mid ka duwan in la arko, waxaana Ninka dalka jooga uu markhaati ka yahay in aanu dadaal badan sameeynay Xukuumad ahaan”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiyemar wax laga weydiiyey inay Doorasho dalka ka dhacayso iyo in kale waxa uu yidhi “Doorasho haddii aynu nool nahay Ninkii gaadha dalka wey ka dhacaysa, haddii aad u jeedo wakhtigeedii may ka daahaysa, mise ka daahi mayso, qorshe walba oo bila’aadanku galaa baahina wey gashaa, horumarna wey gashaa, Cabdiraxmaan Cirro Shalay (Doraad), waxa uu ka hadlaayey Gabiley, wuxuu ku nuux-nuuxsaday dawladdu muddo kordhin ayey doonaysa,  arintaas waxa aan qabaa isaga ayaa dib u dhigayaa, Guddoomiyaha Waddani iyo Xisbiga Waddani ayaa dib u dhigayaa  Doorashada, sababtana waan sheegaya marka kowaad Xeerkii la hirgaliyey ee Diiwaangelinta ee Muddada la isku haystay markii uu ku gudbay Barlamaanka, sidii ay ugu codaayeen nuqulkii isaga oo waxyaabo fara badan oo khaladi ahi ku jiraan, in loogu talagalay iyo inay khalad madbici ahi ku dhacay mooye, aan koobigii caadiga ahaa ahayn ayuu u gudbay Guurtida, waa lagu soo celinayaa, eedahaas ayaa  leh, yaa saxeexay, waa Guddoomiyaha Barlamaanka, waa Guddoomiyaha Waddani, khaladkaas ka dhacaya ee ka socon waayey ee imika ku soo noqonaya, isaga ayaa leh.

Laba Doorashadu dib miyay u dhici kartaa, wakhtigiina wey ku qabsoomi karta, bila’aadanku duruufo ayuu leeyahay, anaga wax nagu habsaamay ma jiro, sida dadku  u qorayaan  iyo sida lanagu aanaynayo maaha, Dhaqaalaheedii, Sharcigeedii iyo Komishankii intiiba waanu sameeynay, kordhinta, haddii ay duruufi timaado, anigu aniga oo lahayn waa la kordhinayaa, waxa ay la mid tahay Cabdiraxmaan Cirro oo ku hirdiyaaya Doorashada ayaa dib loo dhigayaa, isagu imika imisa sanno oo dheeraad ah ayuu ku fadhiyaa, inta uu isagu korodhsaday xaq daro miyaanay ahayn, miyaanu Guddoomiyihii Barlamaanka ahayn, Golaha Barlamaanka iyo Madaxtooyada miyaan  si loo wada dooran, miyaanay si u wada mudaysnayn, yaan loo qaadanin in aan Doorashada dib u dhigaayo, laakiin waxa ay u taala Komishanka, intii uu daahay isaga ayaa daahiyey Cabdiraxmaan Cirro, oo qof aan sharcigiisa ahayn ku soo celinaayey, markaas in sida Yaxaaska la iskaga oohiyo maaha ee Doorasho wey dhacaysa, diyaar ayaa loo yahay, xaggayga maalinteedii ayaa  diyaar loo yahay, wax hawl ah oo nagu hadhay ma jirto, laakiin Nin isagu durbaan madhan garaacaya, hawshina lugta jiidaya waa Waddani”.

Muuse Biixi Cabdi mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd in haddii doorasho dhacdo in Xisbigoodu uu awood isitcmaalo isla markaana uu ku shubto, waxa uu kaga jawaabay “Xasha-kalaa, Xeerkeenaba maaha, dad dhici kara ma nihin, dad is boobi kara ma nihin, dhawr Doorasho oo badan ayaanu soo galnay, qolodayadyan Kulmiye hormoodka ka ah ka soo qaad, Siillaanyo hore ayaa loo doortay,  hore ayuu u dhacay, hore ayaa loo joojiyey, 1988-kii, Magaalada Baligubadle deg ayaa lagu yidhi oo uu degay, siddeetan ayaa lanaga helay ayaa  la yidhi waanagii ka dhaqaaqnay, haddii lanaga helo waxa aanu nahay Rag ka tagayaa, lexe jeclada dadka leh ayaanu nahay, dad kursi Maana ku dagaalama ma  nihin, nagama suurtawdo, namana qabato, dadka waxa iyo raba inay hindisaan ha loo sheego”.

Muuse Biixi Cabdi mar wax laga weydiiyey warar soo baxaya oo sheegay ain Madaxweyne Siilaanyo doorashada dambe isa soo sharixi doonin iyo xaggay ka timid, wuxuu Muuse yidhi  “Warbaahinta ayaa waxa ay doontu isaga qorta, Madaxweynaha markii u dambaysay waxaanu isku raacnay oo anigoo ahaa ninka qudha ee la hadlay ee yidhi wax ayaan doonayaa, aan u daayey, oo aan ku taageerayaa oo aan kaga dambeynaa, oo uu noogu sharaxan yahay waa isaga, mar ayaanu waxayaga dhammaysayn, oo waanu heshiinay,ee halkay warka ka keentay warbaahintu”.
Muuse Biixi
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayey sida Somaliland ku heli karto Ictiraaf caalamiya ayaa yidhi “Anigu imika Xaabsade uma jawaabayo, oo isku mabda ma nihin, oo imika Xaabsade waa Puntland, oo Somaliland wuu ka soo horjeeda, laakiin Ictiraafka Somaliland waa la raadinaya, waa loo hawl galayaa, midnimadeena ayuu ku jira, sida aynu u wada shaqayno ayuu ku jiraa, ILLAAHAYNA Nabad, Dawlad iyo Ictaaraf uu ina siiyey,taas Bila’aadankan weynu helnaynaa, taas werwer kama qabnaa weynu u dadaal tagaynaa, wakhtigana ILLAAHAY ayaa og”. Muuse Biixi mar wax laga weydiiyey isbarbar dhiga Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan Siillaayno dhinaca Ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka Caalamka, ayaa yidhi “Xukuumaddii Daahir Rayaale wax badan ayey qabatay, tii ka horeeysay ee Cigaalna wey qabatay, markaas Dawlad walba tii ka horeeysay waxa badan ayey sii qabatay, anagu waxa aan qabaa inay iyagu daaaleen, anaguna dadaalkaas mid ka sii xoog badan sii wadno”.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay wax qabadka xukuumadda sida bedelka lacagta, dhismaha waddooyinka. Haddaba side ayuu u arkaa in jidka Ceerigaabo yahay olole siyaasadeed, waxaanu yidhi  “Haddii la yidhaahdo wax aynu qabano, ee aynu bilawno, wixii la bilaaba, wuu dhammaada, socodka dheeri talaabo ayuu ka bilaamba, haddii fikradii iyo dhiiranaantii la keenay oo la yidhi Waddadii Ceerigaabo aynu bilaawno, ama tu kale aynu dhisano oo aynu bilawno, miyaanay wax wanaagsan ahayn”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga weydiiyey doodda ah inay iska lumiyeen taageeradii Gobolka Gabiley, oo ay kala wareegeen Xisbiyada Mucaaradka ahi ayaa ku jawaabay “Insha ALLAAH Maalinta foodka la qaado ayaad tirin doonta inta laga helo, imikana Rag leh wax ayaa noo yimid iyo garab ayaa noo yimid ha tirsadaan Sanduuqa, sababtuna waxa weeye anaga Gabiley nooma xidhna, Burcana nooma xidhna, dadkuna barnaamiuj iyo wax-qabad ay ku qancaan ayaanu hor keenaynaa, haddii aanu kaas ku weynana anaga ayaa  cidla is dhignay, laakiin dadkan maalinba meel looga yeedhayo, oo Nin walba Xaflad meel walba uu ku qaban karaa, anaguna dadka noo yimadaa ma diidno, laakiin wax weyn maaha Xisbi iyo in meel iskugu timid, laakiin Kulmiye halkee ayuu wax ka helayaa, Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Gabiley,Laascanood, Maalinta codka la tiriyo ayaad arki doonta Kulmiye waxa uu ka helo”.

Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu ka hadlaayey sida ay isku yihiin Madasha Wada-tashiga ayaa yidhi iyo bal inuu ku qancin karo inay KULMIYE ka mid noqdaan, “Saaka (khamiistii), ayaanu badankoodii wada joognay, Hudheelka ayaanu ku wada shiraynay, wey na canaantaan, wey na dhaliilaan, walibana aniga aad ayey ii dhaliilaan, xaq ayeyna u leeyihiin,  kumana kala tagayno, ee meel ayeynu ka wada xadhig jiidaynaa, waxaana qabaa Kulmiye Ragga SNM isku wada qaad, labada Xisbi ee kale iyo Musharaxiintooda anaga ayaa uga dhaw, markaas SNM iswaayi mayso, halkana waanu iskugu imanaynaa sidaan qabo”. Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey qiimaha ay leedahay 17-Aktoobar waxa uu yidhi “17-Aktoobar, waxa ay ahayd Sodon Sanno ka hor waxa dhacay Dagaalkii Burco-duuray, waxa ku dhintay Ninkii aasaasaha u ahaa SNM, ee fikirka iyo awooda badan galiyey, ee Lixle, oo Geesi Qaran ahaa, oo ahaa ninkii Madheera furtay, Lixlena waa Ninkii ugu garaadka sareeyey, iyo Rag kale oo geeriyaal ah ayaa halkaas ku dhintay, Maalintas Lixle dhintay ayaana lagu asteeyey Maalintan”.

Guddoomiyaha XIsbiga Kulmiye mar uu ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey sababta uu Madaxweynuhu warbaahinta ula hadli waayey ayaa yidhi “Inta badan waa ka hadla, ee haddii aad idiinku codsateen inuu gaar idiinla hadlo idinka ayey idin jirtaa, Axmedna Nin hadal loo tilmaamo maaha”.

Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey sababta uu Madaxweynuhu Xukuumaddiisa ugu soo diray Wasiiro ka tirsanaa Xisbigii UDUB islamarkana uu ugu badiyay xukumadiisa qurbe-joog, ayaa yidhi “Dawladi dalka hogaamiso waxa kow ka ah inay dadka isku wado, markaas Qurbo joogu waa Somaliland oo weynu u baahan ahay ninka mutacalinka ah ee wax badan inooga taraya farshaxanka dawladaha tusaale ahaan Dr. Sacad Cali Shire oo wasiirka qorshaynta ah oo kale, waxaan u baahanahay dad aqoon leh, waxa loo baahan yahay SNM oo waayo arag ah, waxa loo baahan yahay Odey Dhaqan yaqaan ah, Rag badan oo Kulmiye ahina wey ku jiraan, miyay  xun tahayna in UDUB la hawl-galiyo,  oo dadka la isku mid laga dhigo ma ceeba, miyaanay xumateen oo wax qaloocan noqoteen haddii aanu nidhaahno anaga ayaa kulmiye ah oo cidi noo soo gali mayso”.

Muuse Biixi mar uu ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey sababta keentay in Dhaqaalaha Dekada Berbera Madaxtooyada la hoos geeyo, maadaama oo uu KULMIYE ku doodi jiray waagii uu mucaaradka ahaa inaanu dekedda hoos gayn doonin madaxtooyada,  waxa uu yidhi “Dekadaas oo qudha ayaanu leenahay, oo waa taynu Adduunka ka iibinayno, inuu Madaxweynuhu gacantiisa ku hayo oo daryeelkeeda ilaaliyo ayaa wanaagsan, laakiin haddii dhismaha Dekada la hoose keenay Madaxweynaha, Lacagteeda ayaa la xadaa waa kala jaad, aniga waxa ay ila tahay labadaasi waa kala jaad, anigana waxa ay ila tahay inay tahay Hay’ad mudan in Madaxweynaha la hoos keeno, laakiin maaha lacagta ayaa la booba oo barkimada la hoos galiyaa. Weli miyaad maqashay taariikhdiisa Siilaanyo oo la leeyahay waa musuqmaasuq. Ma jirto, lamana maqal.”

Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey Musharxnimadiisa waxa uu yidhi “Anigu waan is sharaxay, haddana waxay noqotay Madaxweynihii ayaa imika sharaxan, oo waxa la isla gartay Madaxweynaha oo teeram labaad loo ogol yahay inuu qaato, Ceeb maaha, Xisbi ayaanu nahay, oo mar walba wax ayaa la is weydiiya, Shirarka waa la isku buuqbuuqa, laakiin danta ayaa laga raaca, Madaxweynahau haddii aan teeramkan aan u ogolaado, teeramka xigana waan sharaxanahay.”

Muuse Biixi oo ka hadlaya sida ay isku yihiin Warbaahinta ayaa yidhi “Warbaahinta madax banaan isma jiidhno, laakiin kuwa beenta sheega ayaan idhaahda idinla hadli maayo, iyaga run ayaan u sheega, iyana waa inay run ii sheegan, Warbaahintu waa inay qiil la haata, waa inay dadka hoggaamisa”.

wareysigan waxa qaaday wariye Najax Cunaaye waxaana daabacay wargeyska Geeska

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here