Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Go’aankii Guddiga Agabar Iyo Siyaasiyiinta Diidday

0
43

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay go’aankii ay guddiga horumarinta Sacad Muuse ku taageereen murashaxnimadiisa oo ay qaadaceen garabkii kale ee ka soo horjeeday, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo go’aankaas.

Muuse Biixi Cabdi, oo Geeska Afrika su’aalay sida uu u arko go’aanka ay gaadheen guddigii Agabar ee horumarinta Sacad Muuse ee murashaxnimadiisa, ayaa yidhi  “Waxaan qabaa in siyaasadda Somaliland ay ku dhisantahay tahay arrimaha oo gunta laga soo bilaabo, aniga ilama aha in korka wax laga dhiso. Sidaas daraadeed markay tahay wax siyaasiya waxa wanaagsan in loo soo dhiso deg degmo, gobal-gobal, dabadeedna heer qaran. Markaas anigu waxaan u arkaa inay sax tahay in deegaan oo kale ama degmo ay soo bilowdo kala xulida, dunida oo dhana waa sidaas oo haddii madaxda la dooranayo tartan ayaa la soo gala degmo ah, tuulo ah, gobal ah, dabadeedna si qaran ayaa loo gala. Odayaashan oo aan aad u ixtiraamayo waxaan ahaa raggii u tagay ee ay waraysteen ee weliba yidhi wixii aad goysaan waan ogolahay, haddii ay go’aankan gaadheena waan uga mahadnaqayaa oo waan ku raacsanahay haddii ay go’aan kale oo iga soo horjeeda gaadhi lahaayeena sidaas ayuun baan hore u dhiibay kalsoonidii, waayo bini-aadamku wixii uu qaaddi u dhiibo waa inuu aqbalaa,Markaas maadaama oo rag badan oo isku deegaan ahi uu mid waliba xaq u leeyahay inuu wax yidhaahdo inay u soo fududeeyaan qaranka oo ay iyagu xaggooda wax ka soo dhisaan ayaan u arkaa, haddii Siilaanyo ayaa imika sharaxanee, la yidhaahdo bacda siilaanyo anigu waxaan ku taaganahay inaan ahay guddoomiyihii xisbiga, sida caadiga ahna guddoomiyaha xisbiga ayuun baa inta badan murashax ah.  Markaas waxaan u arkaa wax caadi ah oo sida caalamkuba wax u dhiso mutaqbalka laga hadlaayo, waxaanan qabaa inay xil qaranka iyo dadka u dana guteen.”

 muuse biixi

Muuse Biixi, waxa la weydiiyay bal sida uu u arko dadka iyo siyaasiyiinta la tartamaya ee go’aankaas ka soo horjeestay, waxaanu yidhi  “Shir kasta iyo arrin kata oo la galo cid ayaa diidda oo ka cadhoota wax dhibaato ah uma arko, waxaan u arkaa dad fikirkooda cabiray, laakiin go’aanka marka shir kasta la galo ee inta badani meel marto sida caadada inoo ah gar diid waa Alle diid ayaa la yidhaa, dadka badani halkay marto ayaa la maraa. Umad dhan oo deegaanka intaas leeg oo wax garadkeedii iyo odayaasheedii waxay ila tahay ninkii ka cawday in sidii la arki jiray majooratiga la ixtiramo, raggani waa rag qiimo badan oo waxay doonayaan u qalma, waxase aan qabaa in la ixtiraamo majooratiga.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here