Hargeysa )Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay waddo kasta u martay sidii ay cunaha u qaban laheyd dowladdiisa. Arrintan ayuu Muuse Biixi ka sheegay furitaanka Carwada Caafimaadka Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.
”Dowladda Xamar ka dhisan oo aad ogtihiin inta weerar nagu qaadday taasi oo markii la doortayba dagaalkeeda ku bilowday mashruucii dekedda barbaro iyadoo ku hanjabtay inay calaaqadka u jareeyso carabta taasi oo micneheedu yahay maxaad u hormareysaan. Waxaa taasi xigtay in sanduuqii SDF ee Soomaaliland Mashruuca ka caawin jiray ay naga xayireen iyagoo warqad u qoray waddamada Yurub”, ayuu yidhi Biixi.
”Waxaa intaasi dheer in dowlad kasta oo Soomaaliland soo dhaweyso amaba marti qaadda in cilaaqaadka loo jaro. waxaad kalo ogeydeen dagaalkii ay Tukaraq ku soo qaadeen”.
”Waxaa wax laga naxa ah in xubno ka tirsan xisbiga waddani ay ammaan kala dul dhacaan dowladda Xamar, ma nimankaas baa ammaan naga mudan mise waxay istaahilaan in lala dagaalo, ma waxaanu Farmaajo uga dayanaa dhaqanka uu labadii madaxweyne ee hore uu ku xiraayo elaboorka, xitaa dhaqan Soomaaliyeed ma ahan waxaasi”. ayuu intaasi ku sii daray Madaxweyne Bixii.
Madaxweyne Biixi ayaa dhanka kale sheegay in ay tahay in dadka Somaliland ay isku tashtaan si ay uga badbaadaan mowjadaha danaha isdiiddan ee quwadaha caalamka ay ka leeyihiin Geeska Afrika.