Muuse Biixi Waa Hayin Gurguurshaa Ah ,Reerkuna Isaga Mooyee Qaalin Layliya Ku Guuri -Maayo.!!!

0
191

  Muuse waa faalood iyo hormuudka ragga maanta u soo luxuyeystay qabashada hogaanka dalka.

Waa siyaasi isku darsaday aftahanimo,geesinimo,ruug cadaanimo, mujaahidnimo, iyo xeel-dheernimo.

Somaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ( nina dhaqashuu kuugu dhabar beelay ,nina dhuuni buu kula dhex joogaa) waxa ay ina tusaysaa dhaqashada maandeeq nin ba intii uu gashaday in uu ka dheefi.

Muuse halgankii dalka horseed buu ka ahaa ninkii holand joogay,habeen qudha u soo.hiloobin miyuu hadal u yaal.

Qarankan markii dhiiga loo shubaayey ,ee cadaawaha laga kicinaayey ,ninkii muruqiisa ,maalkiisa iyo nolashiisa u huray isaga oo horumarkeeda halkeed gaadhsiin ,in uu gaawaha u soo cusho nin caro ingiriis joogay waa hal ayna maandeeq yeelayn.

Muuse hufnaantiisa iyo tayada hogaamintiisa ,kartidiisa ,himiladiisa waxa uu galo iyo waxa uu gudo in uu yahay nin lex-jeclo u qaba qaran uu dhiigiisa u shabay in uu hurumarkiisa ka shaqeeyo waa mid sheebaadho  kala duwan la soo mariyey , hal-yeto uu qaranka lahaa baa soo layli bixiyey , waaya aragnimadiisa dheer ee kasbaday in tii jiray waxii la isku odhan jiray qaran soomaaliyeed ja sakow , siyaasafiisa waxa hubiyey ruug cadaagii waynaa alle ha u naxariistee (marxuun Cigaal)

Muuse waxa uu ahaa raggi salka uu la dhigay qarankani in uu yeesho ciidan u gaar ah lana qarameeyo ciidan beeleedkii meelkasta iyo jidkasta daad sanaa.

Ragga saaxada siyaasada kula jira waxa ka mid ah qaar waxa ay qabtaan us dhaafe wali aan dun irbad noo galin

Hogaamiyaha xusbiga waddani taariikhda dahabka ah ee dib u xoraynta qaran waxba kuma laha ,yegleelkii qaranka iyo aayo ka tashigii Jamhuuriyada barakaysan  markii agu dhawaaqay iyo sal u dhisteedii sooyaalkeedaa soo taxnaa meelna kagama suntana, yeelkeeedii  muddo 13sanno ah ayuu ahaa hor-jooge  Golaha shacabka ,  wax dheef ah oo lagu majiirto  lagama hayo.

Xusbiga kulmiye  iyo musharaxiisu waxa ay gadayaan waxii ay qabteen intii ay talada qaranka hayeen wax ay mar labaad dadka la hor-tagaan baa ay keydsadeen.

Cirrona waxqabad uu inoo sheegto daaye waxa uu hoosta gashaday nimankii shalay uu dhaliilaayey ee uu lahaa xoolihii umada ayaa ay ku tagri faleen eedii hore waxa ka daran oo uu ku qaatay markii ay af -ganbiga sameeyeen.

Dhagar qabe abeesiyo halaq lama dhun kado oo dhabta laguma qaatee.

Waa tee siyaasada uu rabo in uu majaraha dalka ku hogaamiyo ,waxa taladiisa goynaaya niman dantooda raba in ay ka door bidaan ta qaranka.

IFAALAHA II MUUQDA IYO HOGAANKA MUUSE

Muuse in uu yahay hogaanka masiirka umada jaan -goyn doona Siilaanyo dabadii  dabaysha foorahiisu waa ay ina haysaa durba,   hab dhaqankiisa iyo duplamciyada uu ina tusay.

Saadaasha muuqata waxa ka mid ah sida aan carab looga dhigayn ,haddii aad aragto hogaamiye sisa fiinra looga qaylinaayo waxa ay astaan u tahay xiniinta ku jirta iyo in ta uu raga dheeryahay.

Muuse inta ku xeerani maanta  waa miidii ,labeentii iyo aqoon yahankii uu qarankani lahaa,barnaamujka xusbigu  ku hawl gali doono dhawaan waa mid ay jaan gooyeen xeel dheer ayaal waa mid hufan qaranku ku badhaadhi doono guusha kulmiye ka dib,sidii buuggii cagaarnaa uu uufa muuqdo dacal ilaa dacal jamhuuriyada maanta.

Waxa aan ku soo af -meeri lahaa maqaalkaygan  bulshow nin wax ku tara y iyo mid dhuuni kula dhex joogay labada beerka ka ogsooni.

Balankeenu waa ka midho dhalinta hogaanka himilada fog  iyo aragtida dheer inagu hogaamin doona .

WQ:Maxamed Xuseen Jaamac(m.soomaali)

Ababiye 11@gmail .com

063-4410447

Hargeisa somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here