“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay; Wasiirradan Iyo Agaasimeyaashan Kula Socda Iska Reeb, Xataa Dawladihii Hoose Wey Ku Garab Yaacayaan’e”

0
139

“Maanta Meel Innoo Fayoobi Ma Jirto, Oo Dalku Wuu Baylahsan Yahay, Aniguna Ma Garanayo Nidaamka Noocan Ahi Meel Uu Ka Jiro” – Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe Oo Farriin U Diray Muuse Biixi Iyo Komishanka Doorashooyinka+ Fool-xumo Shaqadii Qaranka Baylihisayna Ku Tilmaamay   Isbar-bar-yaaca    KULMIYE Iyo WADDANI Ugu Kala Dheeraynayaan  Gobollada Bari

Hargaysa (Hubaal):  Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  ka dayriyay xaaladda nololeed ee bulshadda goboladda bariga oo uu dhawaan safar ku soo maray, kuwaasi oo u baahan in gar-gaar lala gaadho. Eng. Faysal ayaa sheegay in dad gaadhaya  ilaa 3000 oo qoys  oo ay abaartii xoolihii ka dhamaysay ay weli ku dayacan yihiin  degaamo badan, isla markaana  ay u baro-kaceen   tuulooyinka  oo ay xerooyin ku jiraan. Guddoomiyaha UCID waxa  uu tilmaamay inkastoo wakhtigan degaamadda bariga ay xaaladoodda nabadgeliyo wanaagsan tahay, in haddana  ka taagan tahay riiqdii abaarta. “Dhulkii aanu marnay dad iyo xoolo midnaba ma noolayn. Xoolihii way dhamaadeen, dadkiina waxay ku jiraan Xerooyin.  Tuulo kastoo goboladda bariga ah dhawr Xero  ayaa ku yaalla, oo Buulal ayay ku jiraan. Dadkaasi ILLAAHAY (SWT)  mooyee cid kaloo u maqani ma jirto.  Dawladeenana waa la og yahay tamarteedda, oo xaaladda baaxadeedu intaas leeg tahay  ma hanan karto, aduunkiina waxba may waydiisan”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay  magaaladda Hargaysa kula hadlay TV-ga Eryal. Waxa kale oo uu sheegay in baylah weyn ay ka jirto doorkii dawladnimadda, iyadoo wasiirradii, agaasimeyaashii iyo masuuliyiintii kale ee qaranka u shaqayn lahaa ay ku mashquulsan yihiin  u ololaynta mushaxara xisbiga Kulmiye. Waxaanu yidhi “Meel inoo fayoobi ma jirto,  dalkoo dhami wuu baylahsan yahay.  Dawladii waxay   ku mashquulsan tahay   u ololaynta Muuse Biixi, oo  wasiirradii waxay is  leeyihiin ayuunu hadhaw kaa reebin dawladda, isagaanay garab yaacayaan.Markaa ayaa dawladii u shaqaynaya?”. Eng. Faysal,  ayaa u soo jeediyay  musharaxa Kulmiye in iska reebo wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee marka uu gobol u baxo hareerta qabsanaya. “Muuse waxaan leeyahay iska reeb  waxa socda ilaa dawladihii hoose, oo garab ordaya. Agaasimeyaashii  guud  ayaa garab ordaya, wasiirradii ayaa garab ordaya. Anigu ma garanayo nidaamka noocaas ahi meel uu ka jirro.  Haddii aad tidhaahdaan waxaan eryanayaa Waddani, haddii uu Waddani bohol ku dhaco idinkuna miyaad ku dhacaysaan”. Geesta kale  guddoomiyaha UCID   ayaa  dhaliilay awood la’aanta komishanka doorashooyinka oo uu sheegay in aanay xukuumadu la shaqaynaynin, isla markaana aanay ciidamadda la siiyay komishanka kaba amar qaadanaynin. “Haddii aanay dawladu komishanka doorashooyinka gacan siinaynin, muxuu qaban karaa? Ciidamadii la siiyay komishanka doorashooyinka  ee ilaalinayay,  ayaan  amar  siin karaynin.  Waxay ahayd in ciidamadda komishanka doorashooyinka la siiyay in ay iyaga amarka ka qaataan. Fool-xumo weyn ayaa soo socota,  haddii aan arrintaa la joojin oo aan wax laga qabana , waxaan arkaynaa in dagaal uu ka soo socdo”ayuu yidhi Eng. Faysal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here