Hargeysa, (Hubaal) – Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inay doonayso inay dalka ka qabsoonto doorasho bilaa diwaangalin ahi, taas oo uu ku tilmaamay mid majaraha u xaadhaysa ku shubasho iyo wax is-daba marin baaxad leh.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu xusay inay mucaarid ahaan guddida doorashooyinka ku ixtiraamayaan qaban-qaabada iyo hirgalinta doorashooyinka, kaas oo tibaaxay inaanay marnaba aqbalaynin inay xukuumadda taladda haysa marka wakhtigeeda sharciyadu ka dhamaado inay talada haysa, isagoo sheegay in habdhaqanka xukuumadda Kulmiye ay khatar ku tahay qaranimada Somaliland.
Musharaxa Madaxwaynaha UCID waxa uu sidaasi sheegay markii uu shalay ka soo baxay kulankii albaabadu u xidhnaayeen ee maanta Hotelka Maansoor ku yeesheen axsaabta mucaaridka ah iyo madasha wada-tashigu, kaas oo ay kaga arinsanayeen mawqifkooda doorashadda iyo waxa ay ka yeelayaa marka ay dhamaato mudada sharciyada ee xukuumadda Siilaanyo.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale naqdiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay masuul aan haysanin mansab-siyaasi ah oo uu ku tijaabiyo hamigiisii siyaasiga ahaa ee uu sheegi jiray, kaas oo uu uga digay inaanu kula gal-galanin guuldarada siyaasiga ah ee uu madaxwayne Siilaanyo dhaxal-siiyey waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu horayna isagoo ka hadlaya qaabka ay xukuumadu uga hadlayso arimaha doorashooyinka oo uu sheegay inay ka muuqato is dhex yaac badani, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maalmahan dawladda iyo xisbigeeda ayaa isku laba rogayey arimaha doorashooyinka oo maalin walba qof ayaa jawaabayey waxaanad moodaysay inuu is dhex yaac badani ka muuqday, arimaha doorashooyinka waxa loo xilsaaray guddida doorashooyinka iyaga ayaana ka hadli kara laakiin nimankan wasiirada ah ee shaqaalaha ee aan wax saamayn ah ku lahayn arimaha doorashooyinka inay maalin walba halkaas isa soo taagaan oo ay sharci cusub oo iyo xukun cusub iyo wax aan la garanayn dadka ku jaah wareeriyaan waa wax aan loo baahnayn taasna waxa laga sugayaa madaxweynaha gadhwadeenka u ah inuu aamuusiyo wasiiradan doc ka yeedhka ah ee ka hadlaya arimaha doorashooyinka.” ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.
Sidoo kale musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi diyaar u ahayn inay galaan doorasho bilaa diwaan gelin ah, isaga oo ka waramay dhibaatada ka timid doorashadii ugu danbaysay ee bilaa diwaan gelinta lagu galay waxaanu yidhi “Xeerku waxa uu dhigayaa in la sameeyo doorasho diwaan gelin leh , maantana durtaba waxay keenayaan doorasho bilaa diwaan gelin ah ayaanu galaynaa taasna waanu soo aragnay, haddii aad eegto labadii doorasho ee ugu danbeeyey ee la galo midina diwaan gelin ayey lahayd midina bilaa diwaan gelin ah ayey ahayd, doorashadii uu Siilaanyo kursiga ku fuulay diwaan gelin ayey lahayd isaga ayaanu ahaa ninkii u dagaalamayey ee ugu qaylada badnaa, tii kale ee uu isagu sameeyey markii uu xukunka fuulay waxay noqotay mid bilaa diwaan gelin ah, codkii u dhaxeeyey labadaas doorashana waxa uu ahaa 200,000 (Laba Boqol Oo Kun) waynu ognahay doorashadaasna wixii ka dhacay, kanbanigii soo daabacay waraaqihii codbixintana in lagu xukumay inay sameeyeen wax is daba marin halka ay doorashooyinka ka qabteena waxay ahayd somaliland, haddii aynu ahaan lahayd dawladaha caalamka dawladeenu inay is casisho ayey ahayd laakiin taasi may dhicin walina iyagii ayaa indho adayg la soo taagan.”
Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay doorashada galaan, waxaanu xukuumada u soo jeediyey inay umada doorasho u qabtaan waxaanu yidhi “Anagu doorasho ayaanu doonaynaa oo aanu diyaar u nahay, doorasho ayaad xilka ku fuusheen doorashadii ayaana laydinka doonayaa inaad umada u qabataan haddii aad qaban waydaana umadu way idin arkaysaa, waad ogtihiin dalal badan oo xoog leh ayaa markii ay shacabkoodu gadoodeen ayaar oo dhalatay iska tagay, ha moodina inaad xukunka haysanaysaan oo aad xoog ku haysanaysaan umad ayaa idin dooratay waxaana laydinka doonayaa inaad masuuliyadeedii qaadaan.”
Mr Jamaal waxa uu sheegay inay xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashigu ay go,aamo ada ka soo saari doonaan xaalada uu haatan dalku marayo waxaanu yidhi “Labaa xisbi mucaarid iyo madasha wada tashigu waxay soo saari doonaan go,aamo adag oo ku salaysan wacyiga jira iyo sidii dawladu u samayn lahayd doorashooyinka xiligii ay balan qaadeen, 26-ka June wixii ka danbeeya shantii sanadood way idinka dhamaadeen waana sharci markaa wixii laga yeeli lahaa haddii aad idinku diideen wada tashiga waxa dhici doonta in la kala tashado.” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
Isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaasna naqdiyeya habdhaqanka xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, isla markaana si diblo-maasiyadaysan u durray hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wax auu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii waa wax laga xumaado in xukuumadeenii ay iyadii wax xumaynayso oo ay wax kharibayso, waxay xukuumadu diidan tahay in wada-tashi aanu dhamaanteen ka samayno doorashooyinka, waxaanay taasi kaliftay inaanu sharciga wadanka ilaalino oo aanu xaqdhawrno mudada u hadhay xukuumadda Siilaanyo, waxaananu halkan ka cadaynaynaa in wixii ak danbeeya mudo-xileedka xukuumadda Kulmiye aanay talada dalka haynin oo aan waxba laga waydiinaynin talada dalka”.
Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan jeclahay inaan waxyar ka idhaahdo hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi oo uu ku duray xisbiyada mucaaridka oo leeyahay may qabsanin shirarkoodii golaha dhexe, run ahaantii waxaan u arkaa hadalkaasi maaha mid qof masuul ah ku haboon inuu afkiisa ka soo baxo. Mida kale musharaxnimadayda mudada kooban aan ahaa uma jeedo ayaan filayaa ee waxa uu u duur-xulayaa madaxwayne Siilaanyo oo ilaa 2002-dii ilaa maalinkaas maanta ee taariikhdu tahay 23 February 2015-ka musharaxa madaxwaynaha Kulmiye, run ahaantii waa wax lagu qoslo inuu waxaas ku hadlo Muuse Biixi maadaama oo uu isagu hore u sheegay inuu Spain yahay oo laga badiyey siyaasadii, waxaan kula talinayaa inuu ku daba-faylo musharaxa madaxwaynaha xisbiga Kulmiye ee uu sheegay inuu ka badiyey, waxaanan saaxiibkay ka codsan lahaa inaanu kula galgalanin asxaabta mucaaridka”.