Hargeysa:(Hubaal)-Muwaadin Aadan Mooge Xirsi oo ah Mulkiilaha dhul ku yaalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa oo dhawaan dil ka dhacay, ayaa deedafeeyey inuu duulaan ku yahay hanti uu leeyahay ganacsade cumar Caydiid oo ay isku beel yihiin, waxana uu sheegay inaanay maankiisa ku jirin inuu ku duullo hanti aanu lahayn.
Muwaadin Aadan Mooge oo maalintii shalay saxaafadda kula Hadlay magaalada Hargeysa, ayaa Ganacsade Cumar Caydiid ku eedeeyey inuu gacan weyn ku lahaa Dilka ka dhacay Dhulkaas, isagoo intaas raaciyey inuu Goob joog ka ahaa xilliga dilku dhacayey.
Mudane Aadan Mooge Waxa uu soo bandhigay Sharciga lahaanshaha iyo Dukumentiga uu dhulkaas u haysto, waxana uu sheegay inay horeba u jireen Rag hore oo ku qabsaday, kuwaas oo garnaq dheer kadib si sharci ah maxkamaddaha dalku ugu xukumeen.
DAAWO.