Muwaadin Ay Beertiisu Bar-bilow U Noqotay Wadada Berbera Corridor Oo Farriin U Diray Beeralleyda Waqooyiga Hargeysa

0
103

Waxaa Uu Cabir Dhan 66M  Ugu Deeqay Qorsheynta jidkan Berbera Corridor Oo Beertiisa Kala Qeybiyey

????????????????????????????????????

Hargeysa:(Hubaal)-Qaar kamid ah beeralayda iyo dadweynaha deggen dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn usoo dhaweeyey waddada weyn ee Berbera Corridor ee isku xidhi doonta magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale oo beerahooda dhexmartay. Dadweynahan oo uu hoggaaminayo Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi(Ina xaraaro) oo isagu ah mulkiilaha beerta bar bilowga u ah waddada Berbera Corridor, isla-markaana oggolaaday in beertiisa laga jaro cabir dhan 66-mitir oo waddadu goosatay oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhaweeyey in dariiqaasi halkaas maro, waxana ay bulshada kale ee waddadaasi sii mari doonto ugu baaqeen inay waddadaas soo dhaweeyaan. Xubnahani waxa ay sheegeen in waddada Berbera Corridor ay u arkaan mid keeni karta horumar guud ahaan ay Somaliland gaadho, gaar ahaan dadweynaha ku dhereran aagga ay mari doonto, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si niyadsami leh u soo dhaweynayaan waddadaas, isla-markaana dhulkooda oo haatan lacago qaali ah jooga aqbaleen in waddadaas la dhexmariyo. Mulkiile Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi oo ugu horrayn halkaas, ka hadlay, ku dheeraaday sida aan hagrashada lahayn ee uu beertiisa ugu oggolaaday inay waddadaasi dhexmarto, waxana uu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay,“anigoo ah mulkiilaha beertan waxa aan ogolaaday in waddada weyn ee Berbera Corridor ay beertayda dhexmarto, islamarkaana ka goosato cabir dhan 66-mitir, sidaasna waxan u yeelay danta guud iyo wanaagga ay waddadu noo leedahay, ayaan fahamsanahay, waxan u mahadnaqayaa Dawladda Hoose iyo ganacsadaha weyn ee Maxamed Aw Siciid oo cagafyadiisa ugu deeqay inay waddadan banneeyaan oo xaadhaan, waana tallaabo horumarin leh oo haddii aanu dadka dhulkan leh nahay aanu bilownay sanadkii 2005-tii” ayuu yidhi Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi. Mulkiile Cabdinaasir oo hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay shacabka kale ee ay waddadani beerahooda mari doonto inay soo dhaweeyaan waddadaas, isla-markaana ogolaanshiiyo siiyaan in dhulkooda la dhexmariyo, waxana uu yidhi,“Wadadu wax bay hagaajisaaye waxba ma xumayso, waana halka horumarku ka bilaabmo, dadweynaha beeraha iyo dhulka ay mari doonto lehna waxan ugu baaqayaa inay taageeraan oo aanay ka hor imananin, maadaama waddadu tahay furaha horumarka iyo nolosha, dhammaanba ciddii ka qayb qaadatayna aad baan ugu mahadnaqayaa.”  Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo kamid ah dadka deegaanka waddada Berbera Corridor marayso oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in waddadaas baahi weyn loo qabo, isla-markaana horseedi doonto in deegaankaasi noqdo mid mustaqbalka lagu soo horto oo mashaariic badan laga hirgelin doono. Mulkiile Cabdinaasir, ayaa noqonaya shakhsigii ugu horreeyey ee si mutadawacnimo ah u ogolaada in beertiisa laga bilaabo dhex bilaabo waddada Berbera Corridor muddo toban sano haatan laga joogo, waxana waddadaasi ku fidday meelo badan oo hareeraha ka xiga. Waddada weyn ee Berbera Corridor oo dhinaca waqooyi ka maraysa caasimadda Hargeysa, ayaa haatan shaqadeedu socotaa, waxana ku jira cagafyo iyo agabkii kale ee shaqadeeda loogu talo galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in muwaadiniinta ay dhulkooda marayso loogu baaqay inay soo dhaweeyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here