Muwaadin Ku Baaqay In Maamuus Qaran La Guddoonsiiyo Wasiirka Cusub Ee Madaxtooyada

0
31

Hargeysa (Hubaal)- Cali Ciise Yuusuf (Cali Maraykan) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Qurbajoogta  Ah ee Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaanba shacbiga ugu baaqay in maamuus qaran la guddoonsiiyo Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada. Hadalka Cali Ciise Yuusuf  oo qayb ka ah  aragtiyo ay  Maalmihii Lasoo Dhaafay shacbiga Somaliland  Ka Bixinayeen Iscasilaadii Wasiirada iyo Isbedelkii Uu sameeyey Madaxweynaha Somaliland ee uu ku Magcaabay Xubnaha Cusub ee Wasiirada Ah Ayaa Cali Ciise Yuusuf (Cali Maraykan)  waxaa uu  sheegay in Loo Baahan yahay in La Xuso Shaqsiga Dalka Wax Tari Kara Isla Markaana Waxqabad La Taaban Karo Kusoo kordhiyay Dalkan Somaliland kuwaasi oo uu sheegay inay ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Cusub ee Madaxtooyada Somaliland. 10654011_819505001417249_1778185201_nSiyaasi Cali Maraykan waxaa uu sheegay inuu In Badan La Socday Warbaahinta Kala Gedisan Ee Ka Hawlgasha Dalka Sida Wargaysyada, Tvyada, Idaacadaha kuwaasi oo uu sheegay inay Baahinayaan Wax aan dalka iyo dadka dani ugu jirin Balse Ah in la isku Liso Siyaasiyiinta Iyo Madaxda Qaranka La Iskana horkeeno,isagoo Intaasi ku Daray inaan Xiligan la qiimayn Qofka Dhabta ay ka Tahay Horumarinta wadanku. Cali Maraykan  oo shalay warbaahinta qaarkeed ugu warramay Magaalada Hargeysa waxaa uu Ka Hadlay Iscasilaada Xubnihii Wasiirada Ahaa ee Ka Dareeray Dawlada Madaxweyne Siilaanyo Waxaana uu ku Sifeeyey Niman Dano Gaar Ah Lahaa kuwaasi oo Dantii qaranka ka doorbiday Tooda Gaarka ah,isagoo intaasina ku daray in bulshada reer Somaliland ay u Hayaan Wixii Ay Galeen Iyo Waxa ay Gudeenba.  “Waxaan Qabaa Maxamuud xaashi waa nin siyaasi ah,Ruug Cadaaya Isla markaana Hogaamin Kara Dalka,ilaa intaas uu joogay,Halka rag ay Dawlada Banjarinayeen isagu Wuxuu Geed Gaaban iyo Mid Dheerba  U fuulay inaan haba yaraatee wax Xagal-daac ahi ku imaan xukuumada uu ka tirsan yahay,iyadoo ay taasi kuu cadaynayo Gaadhiga la wada saran yahay inuu ka yahay kirishboo isagoo aan Muuqan oo Cid istusayn oo aan sida dabayl xagaada sida raga qaar marba meel kaaga imanayn ayuu Ninkaasi Waa Maxamuud Xaashiye Halkiisa Ku Yahay Geesi Siyaasadu u Bislaatay,Inkastoo ay Jiraan Dad Hunguri Doon ah oo Niyad jebinaya Cid kasta oo Horumar wada Waxaana aan Leeyahay Maxamuud Xaashi Cida Dhaliilaysaa,Maaha Cid Isaga Neceb Ee Waa Dad Guusha Kasoo Horjeeda,Qofku Markuu Halkaas Gaadhona Cadaw Buu Yeesha Balse Wuxuu Noqdaa Mid guulaysta Hadaba waxaa cadaatay Halkudhigii ahaa Nina Dhuuni kuu dhex Joogaa,NinaDhaqashuu Kuugu Dhabar Jabay “Ayuu Yidhi. Cali Maraykan oo Hadalkiisa Sii Wata Waxaa uu Yidhi “Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Somaliland Markuu Ahaa Wasiirka Duulista HAwada Iyo gaadiidka Cirka Somaliland Lama dafiri KAro Wixii uu Ka qabtay Madaarada dalka Gaar Ahaana Garoomada Diyaaradaha ee hargaysa iyo Berbera,kuwaasi oo aan la dayac tiring Ilaa Xiligii Gumaystihii Ingiriiska Taasina waxaa ay muujinaysaa Isbedelka Suuban ee loo qaaday xaga Horumarka, Waayo Mudo Badan ayaan Madaarada Hargaysa Iyo Berbera ka dhoofiyay Dad,Xataa Dowladii riyaale Hanfiga ka dhacayay waan yaabay,iyo sida naloo baadhay,Hada Markaan dhowaan kazoo degay waan Fajacay Waxa isbedelay,Ninkuna Maaha Inuu Is sheegee waa In La Sheegaa,Waxaana lasoo Gaadhay xiligii aanu Maxamuud xaashi Sheegi Lahayn Sidoo kale waxaa aynu soo qaadan karnaa Wasiirka duulistu sidii uu uga damqadau inuu wax ka qabto Madaarada Magaalooyinka Lascanood,Burco,Boorama Iyo ceerigaabo kuwaasi oo uu ka midha dhaliyay intuu joogay inay noqdaan Madaaro la jaanqaadi kara Garoomada Diyaaradeed ee dalka “ Ayuu Yidhi Cali Maraykan oo ka hadlayay arimaha lagu soo kordhiyay madaarada Dalka.  Waxaa uu Sheegay In Wasiir Maxamuud Xaashi uu ka Hor Tagay Duufaan Ay Daalimiintu La doonayeen Dalka iyo Dadka Somaliland Balse Noqotay Mid U Mari Wayday Isagoo Intaasi ku Daray inay Hawshii Ay Damacsanaayeen Iyo Dabinkoodiiba ku Danbeeyey Hal Bacaad Lagu Lisay,waxaana uu sidoo kale madaxweynaha Somaliland usoo jeediyay inuu soo dhoweeyo raga Hiilka la garab taagan ee aan doonayn inay ka shaqaystaan Xukuumadiisa Maadaama La Kala Aragti Iyo Arin Duwan Yahay.  Dhanka Kale Siyaasi Cali Maraykan Waxaa uu ka hadlay Waxqabadkii uu madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisu dalka ka hirgeliyeen intuu talada dalka hogaaminayay waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya ” walaalayaal  Mudo xileedkii  qaranka iyo hogaamintiisaba  ay la wareegey Axmed Siilaanyo natiijadii ka soo baxday  iyo doonistii shacabka reer Somaliland  sida dimuqaraadiga ah  ay ugu doorteen  hogaaminta dalka  xisbiga kulmiye  kuna badaleen  xisbigii talada hore u hayay ee UDUB,  waxay ahayd  marxalad guul ah  sidii  nabad-galyada ahayd  ee wax waliba  ay ku dhamaadeen, in kastoo  dalka ay taalay  duruufo adag  iyo goldaloolooyin  u baahnaa in deg-deg  wax looga qabto,  waxaa nasiib wanaag ahayd oo kale  sidii shacabka Somaliland  ay filayeen  kuna doorteen  xukumadan, ayaa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland  uu markiiba dhaqaajiyay   barnaamuj wax-qabad iyo qorshe  hagid siyaasadeed leh  oo koobayay  baylaha tirka  duruufihii yaalay oo dhan”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here