Waxaa uu Naqdiyey Kaalin Uu Sheegay In Maayarka Caasimaddu Ku leeyahay Fududaynta Mulkiyaddan Been Abuurka Ah Oo Lagu Dhaxal WAreejinayo Hantidoodii Maguurtada Ahayd
Djibouti (Hubaal/Wajaalenews) – Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo ah muwaadin reer Jabuuti ah sidoo kalana u dhashay somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad darooyin faro badan oo lagula kacay,waxaanu dhibanahan oo warbaahinta u waramay sheegay in xoog lagaga haysto guryo ay kulahaayeen magaalada Hargaysa, isaga oo bedka soo dhigay arimo laf jab ku ah Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, ka dib sida uu sheegay dhibanahani markii maayarka caasimada Hargaysa mulkiyad been abuur ah uu u sameeyay dad kiro ahaan ugu jiray bakhaaro ay ku leeyihiin Badhtamaha caasimada Hargaysa.
Muwaadinkan reer jabuuti ayaa sidoo kale soo bandhigay kala duwanaanshaha waraaqahan been abuurka ah ee loo samaystay sedexda guri ee ay ku leeyihiin badhtamaha suuqa Hargaysa oo mudo dheer kiro loogu jray ayna u samaysteen kiraystayaashii ku jiray.
Sidoo kale Muwadin Naasir ayaa fashiliyay in shaqsiyaadka degan guryahan kirada ugu jiraa ay ardiyadahan been abuurka ah ee ay sameysteen ay baananka kaga qaateen lacago Faro badan
Mr. Naasir ayaa maayarka caasimada Hargaysa ku eedeeyay in dhamaan lahaanshaha been abuurka ah ee qaarka mida dadkii markii hore kirada ugu jiray xiligana samaystay ducomentiga been abuurka ah iyagoo mid ka mid ahi uu ku doodayo in laga iibiyay halka qoyska iska leh gurayahan ay ku eedeeyeen maayarka iyo xubno maxkamaduhu in ay ku gacansiinyeen samaysiga waraaqahan sharci darada ah..
Haddaba waxaanu halkan hoose idiinku soo lifaaqnay Dhukumentiyada Ardiyadda sharciga ah ee ay leeyihiin guryahan ay Muwaadinkan iyo qoyskoodu dhaxleen.
Source: Wajaalenews.net